Musuq-maasuq dul-hoganaya Guddida Qandaraasyadda Somaliland.

1
Saturday February 29, 2020 - 17:21:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq-maasuq dul-hoganaya Guddida Qandaraasyadda Somaliland.

    Guddida Qandaraasyadda Qaranka ee Somaliland, waxay u muuqdaan inay la mid yihiin, hay'addaha dawladda ee uu ka jiro, musuq-maasuq baahsani. Waxaana taa u daliil ah, indho sarcaadka ay ummadda u dhigayaan, oo la mid ah, indho saarcaadkii uu dhig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Qandaraasyadda Qaranka ee Somaliland, waxay u muuqdaan inay la mid yihiin, hay'addaha dawladda ee uu ka jiro, musuq-maasuq baahsani. Waxaana taa u daliil ah, indho sarcaadka ay ummadda u dhigayaan, oo la mid ah, indho saarcaadkii uu dhigi jiray Ninkii Hindiga ahaa ee reer Hargeysa, ee la odhan jiray Cusmaan Beenaalle.

Haddaba, waxaan jecelahay in aan umadda u soo bandhigo marka uu qandaraas soo baxo, ee la baahiyo iyo gunaanadka u danbeeya halka uu ku dhamaado. Marka hore ee qandaraaska la baahiyo waxa loo yeedhaa warbaahinta iyo shirkad kasta oo daneynaysaa inay ka qayb-gasho. Waxaana halkaasi lag jeediyaa khudbado qurux badan, oo uu nuxurkoodu yahay in shirkadaha tartamaya lagu kala saari doono cadaalad. Hase-yeeshee markaa ka dib waxa bilaaba baayactan lala gallo canpany-yadii tartanka ka qayb-galay kuwooga ugu tunka weyn, mid ka mid ah farsamadda ay Guddida qandaraasyaddu isticmaalaanna waxa kow ka ah, in aan labba shirkadood lacag laga wadda qaadin, si aanay arrintu ugu fashilmin. Mudo kadibna waxa loo yeedhaa shirkadihii tartanka loo qabtay iyo warbaahinta waxaanna goobta lagaga dhawaaqaa natiijo ay isla sii-ogaayeen, shirkadda loogu dhawaaqay iyo guddida qandaraasyadda qaranku. Ee arrinta gacanta ku haysay. Markaa ka dib waxa goobta ka bilaama khudbado indho sarcaad ah, oo dadweynaha loogu soo bandhigayo oo la odhanayo haddii aanu nahay gudida qandarasyadda qaranka waxaanu ku dadaalnay in aanu cadaalad ku kala saarno tartamayaasha. Waxaanna ku guulaystay kanbaniga hebal hebal. Waxanay shirkadani shirkadihii kale kaga duwaneyn shirkadihii kale ee ay tartanka wadda galleen waxay kaag duwaneyd qodobo badan oo aysan shirkadihii kale soo gudbin.

Markaa kadib, waxa hadalka qaata qofka ku hadlaya magaca shirkadda loogu dhawaaqay inay ku guulaystay qandaraaska, oo isagu sii ogaa natiijadda, waxaana uu qofkaasi uu hadalkiisa ku daraa in uusan fileyn, guusha ay shirkadoodu gaadhay, madaama oo ay shirkado waaweyn oo kale ay tartanka kula jireen, balse uu ku faraxsan-yahay, unna mahadcelinayo Guddida qandaraasyadda qaranka. Inta kadib waxa makarafoonka loo dhiibaa mid ama labba ka mid ah, tartamayaasha iyagana hanbalyo waxaan ahayn oo Meesha uga furani ma jirto, intaasi marka ay dhacdo, waxay umadu u arkaysaa in Meesha ay cadaaladi ka dhacday. Waxase hubsiimo u baahan maxaa asturaya hab-dhaqanka noocan ah, ee Guddida qandaraasyadda qaranka oo ah, waanna labbadda qodob ee kala ah:

1: in hal shirkad ah oo kaliya lala macaamilo halkii qandaraas-ba

2: iyo indho sarcaadka aan qarsoodiga ahayn, ee warbaahinta lagu soo bandhigo.

Waxyaabahan aan soo sheegay oo dhanna waxa daliil u ah, iyadoo Guddida qandaraasyadda qaranku ay xilka hayeeen mudo labba sanno ah, hadaanna, xubnahan qaarkood waxay maanta haysaan dhaqaale xad-dhaaf ah, iyagoo markii hore faro-badhnaa, taasina waxay muujinaysaa in ay arrintan ku dhiiradeen, iyadoo aysan maanta jirin wax isla xisaabtan ah, oo ka jira, xukuumadda maanta talladda haysa iyo Hanti dhawr madax banaan oo arrintan soo xaqiijin karra, waayo masuuliyiintii hantida qaranka ilaalin-lahaa iyaga laftigoodu kama bad-qabaan hanti urursiga iyo boobka hantida umadda. Arrintaasina waxay sababtay, in xaalku uu noqdo sida uu maanta yahay, waxanna dhacdadan mudo sii horeysan ka hadashay shirkadda ganacsiga ee Saab Campany oo uu leeyahay wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, iyadooay shirkadani ka mid ahayn shirkado ka qayb-galay qandaraas ay gudida qandaraasyadu baahiyeen, balse ay shirkadani Saab ka biyo diiday natiijadii ay soo saareen gudida qandaraasyadda qaranku kuna sheegtay in la gacan bidixeeyey natiijadda ka hor intii aysan soo bixin iyo in uu mugdi badani ku jiro habka ay Guddida qandaraasyadda qaranku u soo saaraan, natiijooyinka rasmiga ah ama kama danbeysta ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured