"Shacabku ha Kula xisaabtamaan wax kasta madaxda ay xilalka u dhiibteen haday doonayaan madax hagaagta Oo dalka horumar gaadhsiisa". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

0
Sunday March 01, 2020 - 15:58:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Shacabku ha Kula xisaabtamaan wax kasta madaxda ay xilalka u dhiibteen haday doonayaan madax hagaagta Oo dalka horumar gaadhsiisa". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

    "Shacabku ha Kula xisaabtamaan wax kasta madaxda ay xilalka u dhiibteen haday doonayaan madax hagaagta Oo dalka horumar gaadhsiisa". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shacabku ha Kula xisaabtamaan wax kasta madaxda ay xilalka u dhiibteen haday doonayaan madax hagaagta Oo dalka horumar gaadhsiisa". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.
Hargeysa(Xogreebnews)- Siyaasi caanka ah ee Jamaal cali Xuseen, ayaa sheegay inaanay Bulshada Somaliland ka dhiidhiyin hoggaamiyaha beenaalaha ah ee balan furka mar walbaa la horyimaada, sidoo kalena waxa uu Bulshada ugu baaqay inay xumaanta ka dhiidhiyaan, si ay u helaan Hoggaamiyayaal cadaalad iyo barwaaqo ugu adeega. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook, waxanu dhigan yahay sidan.
"Waa maxay sababta shacabku ay u dhibi laadahay hadaladda iyo balan furista masuuliyiinta ay xilalka u dhiibteen. Qofka hogaamiyaha ah qawlkiisa iyo balan qaadkiisa iyo hadalkiisu maaha ciyaar ee waa in miisaan weyn la saaraa si aanay mar danbe ugu noqonin wax balan furis ah Oo hadalka ay leeyahiin mid macno leh u noqdo. Laakiin kolka ay bulshadu raali kaga tahay balan furka, beenta, iyo hadaladda iska soo horjeeda Oo ay weliba sacab Ugu darayso kii tobanka jeer balan furka iyo beenta isu qooshay, Ma waxay Kula tahay in aynu helayno hogaamiyayaal qiyam, Allah ka qabsi iyo damiir nool leh? Shacabku ha Kula xisaabtamaan wax kasta madaxda ay xilalka u dhiibteen haday doonayaan madax hagaagta Oo dalka horumar gaadhsiisa haddii kale waa " Waar iley darka  iiga baydh
                               Uunbaa loo dabaal degay".
Siyaasi Jamaal cali Xuseen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured