Xukuumada Oo Sas Ka Qaaday Shirka Beelaha Bariga & Galbeedka Burco + Ujeedada Kulan Madaxwayne Biixi La Qaatay Maayar Muraad Iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Gobolka Togdheer!

0
Wednesday March 04, 2020 - 01:26:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Sas Ka Qaaday Shirka Beelaha Bariga & Galbeedka Burco + Ujeedada Kulan Madaxwayne Biixi La Qaatay Maayar Muraad Iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Gobolka Togdheer!

    Madaxwaye Biixi Oo Kulan La Yeeshay Maayarka Burco Iyo Siyaasiin Kasoo Jeeda Gobolka Togdheer Iyo Ujeedada Uu Daaran Yahay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaye Biixi Oo Kulan La Yeeshay Maayarka Burco Iyo Siyaasiin Kasoo Jeeda Gobolka Togdheer Iyo Ujeedada Uu Daaran Yahay!

HARGAYSA(Xogreebnews)-Madax Dhaqameedka Beelaha Habar Jeclo Iyo Gar-xajis Ayaa Maanta Shir ay Ku Qabteen  Magaalada Hargaysa Siwada jir ah Ugu Shaaciyay Wakhtiga uu Qabsoomayo Shir ay laba beelood ku qabsanayaa magaalada burco, kaasi oo Tan iyo Wakhtigii la shaaciyay ay xukuumada Madaxwayne Biixi Ka Qaadatay Dareeno kala duwan Oo la Xidhiidha Qabsoomida Shirka iyo khatarta kaga iman karta xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Biixi.

 

Xukuumada Madaxwayne Biix Ayaa La sheegayaa In Ay Bilowday Dhaq Dhaqaaqyo ay kaga hortagayso Abaabulka Shirkaasi oo loo mudeeyay in  Uu Magaalada Burco ka Qabsoomo 15bisha March.

Wararka laga Helayo Dhaq Dhaqaayada Ay Xukuumadu kaga Soo Horjeedo shirkan ayaa sheegaya in ay kulamo gaar gaar ah la yeelatay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed kasoo jeeda beelaha shaaciyay in ay qabsanayaan shirka,

Sidoo kale Madaxwyane Niixi ayaa galabta Kulan la Yeeshay Maayarka Magaalada burco Muraad, Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud Xukuumadii Axmed Siilaanyo Cali Mareexaan Iyo Xubno Kale.

Kulanka Madaxwayne Biixi iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Togdheer ayaan si rasmi ah loo shaacin ujeedada uu daarna Balse wararka hoose ee gala Helayo Kulanka Uu Madaxwaynuhu la qaatay Maayarka burco iyo xubnahan kale ayaa sheegaya in uu daarnaa sidii xukuumada Madaxwayne Biixi Uga gaashaaman lahayd Abaabulka Shirkani Islamarkaana looga hortagi lahaa in aanu Qabsoomin.

Dhanka kale xogaha laga helayo kulan madaxwayne bixi la yeeshay Maayarka burco oo isagu tan iyo intii talada dalka Ay Qabatay xukuumada Madaxwayne Biixi Gadhwadeenka ka yahay Ayaa Isagu kasoo horjeeday talaabooyinka ay qaadayso Dhowr jeer oo uu warbaahinta ka hadlayna duray qaabka Cashuur Ururinta In aanay goboladu usinayn Iyo habka loo Qaybiyay Sanduuqa SDF Ayaa wararka laga helayaa tibaaxeen in kulan ay qayb ka ahayd sidii maayar muraad loogu qancin lahaa in uu xukuumada la shaqeeyo joojinaya hadalada uu ku kala qaybinayo gobolada dalka taasi oo dhaawac ku hayd wada shaqaynta xukuumada iyo maayarka burco,

Dhanka kale xogaha kasoo baxaya kulanka madaxwayne biixi iyo siyaasiyiinta ayaa sheegaya in madaxwaynuhu xubnahan usoo jeediyayy sidii ay uga shaqayn lahaayeen ka hortaga waxkasta oo lidku ah xukuumada oo lagu wado in uu kasoo baxo shirkan iyo sidii aanu uqabsoomin lahayn iyada oo xukuumadu u aragta heshiiska beelaha habar jeclo iyo habar yoonis in uu ku yahay caqabad madaama beelahani ku kala fogaadeen taageerada xisbiga kulmiye taasi oo sii xoogaysatay Doorashadii Madaxtooyada ee udanbaysay ee lagu doortay Madaxwayne Biixi.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sugidoonaan Sida ay madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta shirkan abaabulayaa ugu adkaystaan mawqifkooda ah  qabsoomid shirka labada beelood ee wada dega gobolada saaxil,togdheer iyo sool iyo saamaynta ay xukuumadu ku yeelato ee la xidhiidha abaabulka kasoo horjeeda ee ay xukuumadu ku hawlan tahay. kaasi oo tiraba dhowr jeer dib uriday qabsoomida shirkan oo ay gogoshiisa lahayd beesha habar jeclo oo xukuumada Madaxwayne Biixi Taageero Wayn U Ahayd,

Abaabulka shirkan ayaa lasheegay in aanay  ka maqnayn abaabulkiisa qaarkamid ah siyaasiyiinta xisbiga kulmiye ee damucu kaga jiro la wareegida gudoomiyaha xisbiga kulmiye wallow aanu madaxwayne biixi diyaar uhayn wakhtigan in uu xisbiga kulmiye uu U Wareejiyo sidii uu Axmed Siilaanyo isaga ugu wareejiyay gudoomiyenimada xisbiga kulmiye taasi oo iyana Saamayn culus ku leh abaabulka shirkan iyo sidii looga tashan lahaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne biixi, qorshahaasi oo isna dhaawac ku ah isbahaysigii xisbiga kulmiye ee beesha bariga burco iyo beesha madaxwayne muuse biixi talada dalka ku haysteen mudada sagaalka sano hada maraysa.Wallow beelaha kale ee Somaliland u arkaan in uu  caqabad siyaasadeed Somaliland ku yahay qori isku dhiibka ay talada dalka ku hantiyeen Axmed Siilaanyo Iyo Madaxwyne Biixi.

Xigasho 

WAJAALENEWS 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured