Dhag-dhagtii Fanka × Dhuumalaysigii Maraafiishta Iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, Dabaqyo Dal iyo Dibad uu ka Dhistay...Q 2aad.

0
Friday March 06, 2020 - 19:15:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhag-dhagtii Fanka × Dhuumalaysigii Maraafiishta Iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, Dabaqyo Dal iyo Dibad uu ka Dhistay...Q 2aad.

    Dhag-dhagtii Fanka × Dhuumalaysigii Maraafiishta Iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, Dabaqyo Dal iyo Dibad uu ka Dhistay...Q 2aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhag-dhagtii Fanka × Dhuumalaysigii Maraafiishta Iyo Musuq-maasuqa Xadhkaha Goostay ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, Dabaqyo Dal iyo Dibad uu ka Dhistay...Q 2aad.
Berbera (Xogreebnews)-Akhristayaal intiini la socotay qaybtii hore ee qormadeenan waxaynu si guud uga soo warannay Taarikh nololeedka iyo ficilada qalooca iyo kuwa toosan ee xoghayaha dawlada hoose Berbera Cabdikariin  Aadan cadde. 
Waxaynu qaybtan maanta kusoo qaadan-doonaa falalka musuq-maasuq ee u si xeeladaysan u dhex-fadhiyo xoghaye Cabdikariin, Guryo dabaqyo ah oo u ka kala dhistay Magaalooyin kala duwan iyo sidoo kale Shirkado uu Sheerar-waaweyn oo Lacago Boqolal Kun oo Dolar ah uu ku darsaday. Iyadoo lacagta uu ganacsiga ka galay ay tahay Lacag uu ka faro-qabsaday mudadii uu joogay Xafiiska dawlada hoose Berbera.
Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde waxa uu Guri fooq ah oo Sadex dabaq ah ka dhistay Magaalada Hargeysa, gaar ahaana Xaafada New Hargeysa, kaasoo u dhow Huteel Shiraaqle, oo u kaaga beegan yahay dhinaca waqooyi, una dhow xarunta TV-ga Hctv, ama Saldhiga Macalin Haarun ee bariga Magaaladaas.
Dhismaha Guriga fooqa ah, waxa uu dhismihiisu Socday mudo sanaad ka badan, waxana dadweynaha Xaafadaasi u bixiyeen Guriga  dabaqyada ah (Booli-qaran) waxanu dhismihiisu dhamaaday badhtamihii sanaadkii tagay ee 2019-kii, Cabiirka uu ku fadhiyo Gurigani waa dhul aad u balaadhan, iyadoo fooq weyn ka dhisan yahay, ayuu hadana weli banan yahay dhul badani, dhaqaalaha uu siistay, waxa lagu sheegay inuu ka badan yahay boqol kun oo Dollar 100,0000, halka Lacagtaa lagu dhisaynaa  xadigeedi ka badan yahay 300,000.
Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, oo ku takhakhusay hababka loo leexsado Lacagaha, maadaama oo u mudo dheer ka shaqaynayay Ban iyo Xawaalad Lacageed, waxa uu Dhaqaale badan ku Shubtay Accouno kala duwan, oo u badan Jabuuti iyo Dubai, sidoo kale, waxa uu Guri laba dabaq ah ka dhistay Magaalo madaxda dalka Jabuuti, gaar ahaana Xaafada Jamal, oo ay degen yihiin dad Carab iyo Ajanebi  aan Somali ahayn isaggu jira.
Waxa kaloo xusid mudan inuu Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde Sheerar kala duwan ku kala darsaday Shirkado iyo ganacsato ka kala hawlgala dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Shirkadaha uu Sheerarka badan uu ku Leeyahay xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, waxa kamid ah Shirkada lagu magacaabo Al-ikhwaa. La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured