''Geeska iyo Gulufka Webiga Niil ''. W/Q. Ahmed Nour Guruje.

0
Wednesday March 18, 2020 - 18:07:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Geeska iyo Gulufka Webiga Niil ''. W/Q. Ahmed Nour Guruje.

    ''Geeska iyo Gulufka Webiga Niil ''. W/Q. Ahmed Nour Guruje.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Geeska iyo Gulufka Webiga Niil ''. W/Q. Ahmed Nour Guruje.
Loolanka ka socda maalmahan Geesku waa mid aad u xiiso badan ,Wadamadii Geeska ayaanad moodaa in ay kala raaceen badankoodu labadda Maroodi ee Masar iyo Itoobiya .
Wadamadda Jaamacadda Carabta ayaa fadhigoodii ugu danbeeyey si toosa u taageerey Masar oo budhtuur u ah Ururka Jaamacadda Carabta , dabcan Wadamadda  Jaamacadda carabtana Soomaaliya waa ka mid .
Dawladda Itoobiya mawqifka jaamacadda carabta aad bay uga xumaatay  , gaar ahaan mawqifka Soomaaliya , waxaanay ka dalbtay in Soomaaliya mawqifkeeda cadayso .
Soomaaliya durbadiiba waxay qortay qoraal ay ugu sheegayso ururkii jaamacada carabta in ay ka noqotay mawqifkii horre , goaan dhexdhexaadana qaadatay , mawqifkan danbe isna waxaa ka xumaatay Masar , waxaana soo gaadhay durba Mogdisho wasiir ku xigeenka arrimaha dabada ee wadanka Masar .
Si kastaba ha ahaatee Itoobiya siyaasadii Mogdisho durba way la fahmi wayday , waanay ka shakiday , sidaa darteed Waxaa maantaa u dhoofay Adis ababa Raysal wasaare Khayre .
Dhinaca kale , wadanka Kenya ayaa u janjeedha dhinaca Masar halka wadanka  Sodana la safan yahay geesta Itoobiya  , waxa kale oo iyana kala cadaan doona Ereteriya oo ishaafalataynaysa .
Si kastaba ha ahaatee , xarakaadka imika socda ayaa u muuqda kii ugu xamaasadda iyo xiisaha badnaa , marka la barbar dhigo xitaa waagii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dhamaadkii todobaatanaadkii , waxaana la joogaa xiligii shankaroon sugaysay haday shaqaysanayso .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured