Waxa Qortay: Deka Youssuf Abdillahi Ma Somalia Misa Somaliland??

0
Friday March 20, 2020 - 13:10:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa Qortay: Deka Youssuf Abdillahi Ma Somalia Misa Somaliland??

    Waxa Qortay: Deka Youssuf Abdillahi Ma Somalia Misa Somaliland??

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qortay: Deka Youssuf Abdillahi Ma Somalia Misa Somaliland??

Xalay taarikhdu Markey ahayd 19.03.2020 waxaan duulimaad diyaaradeed ku lahayn aniga iyo boqolal shacab ah oo kale diyaarada fly dubia taas oo ka imanaysay wadanka dubia kuna socotay Somaliland/Hargeisa.


Waxaanu airportka so galnay abaaro 2:50 am, hawlihii shaqo ee checking ka dhamaaan waanu wada marnay,saacadu markay ahayd 4:00am ayaanu so fuulnay diyaarada, Isla 4:35am waxay diyaaradu duulimaadkeedi ku aadana hargeisa bilaawday sidii Caadada ahayd kaas oo qadanayay mudo 3:45 daqiiqo ah in aanu ku so gaadhno hargeisa.


Wax walba waxay uu socdeen sidii caadiga ahayd, dhamaan rakaabkii diyaaraduna waxay bilaabeen in mid walba kursigiisa ku seexdo madame oo wakhtiga safarku aha habeen waa ku dhawad ah.
Hadaba, waxay dhamaan shacaabkii Saarna diyaaradu aanu ku war Helnay Attention please we have a bad news for you (Fadlan dhagihiina fura waxaanu Idin Hayna war bixin aydaan ku Farxi dooonin) warbixintaasna waxay noqotay in dulimaadkayagii ku aadana Hargeisa la cancel gareeyay diyaaradana lagu amray in aay halkay ka timid ku noqoto. Hada ku darso markaas warku so dhacay waxaanu so dhaafnay Berbera sida uu waduhu no xaqiijiyay in aanu madaarka hargeisa caga dhigano waxaa nooga hadhsana 30 daqiiqo ama kaba yar.
Suaasha is waydiinta mudan ayaa ah sabaabta nalo celiyay iyo in aay wax xidhiidh ah la leedahay go’aamadii dawlada Somalia???



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured