"Ilaahoow aan waaga Waraabe cunin" Shucayb Cabdilahi Xuseen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada

0
Saturday March 21, 2020 - 01:07:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ilaahoow aan waaga Waraabe cunin" Shucayb Cabdilahi Xuseen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada

    "Ilaahoow aan waaga Waraabe cunin" Shucayb Cabdilahi Xuseen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilaahoow aan waaga Waraabe cunin" Shucayb Cabdilahi Xuseen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Canada
caawa waxaan ka hadlayaa 3 Qodob oo kala ah 1) Diyaarada Fly Dubai, 2) Ethiopian Airlines, 3) Cadawga aynu is hayno kuwa sacabka u garaacaya ee asqaysan.
Sideedaba aniga dhaqankayga maaha inaan waxa jira been ka sheego xitaa hadii ay isla keen rogto ama ay inagu jiifsato oo nolosha ayey ka mid tahay khasaaraha, Faa,iidada, wanaaga &  xumaantuba marka u danbaysana waxa khasaaruhu ku soo ururayaa waa  Geerida oo qof walba u ah dhamaadkii nolosha ama Yomal qiyaamihiisii.


Mida kale Qadarku waxa uu ka mid yahay 6 da Arkaanu iimaanka oo cida aan rumaysnayni waa cid iimaanku uu qooman yahay ama iimaanla,a.
Marka Qofka ama dadku  qadarka uu rumaysan waayana waa qof ama dad ilaahay la murmaaya oo isaga laftiisa kaba soo hor jeeda markaa lagama yaabo inaan been anigu wax ku daafaco ama aan wax ku dhaleeceeyo oo waan iska hubsadaa cida kaliya ee aan ka baqayaana waa ilaahay oo kaliya lakiin cid kale waxba isakagama tiriyo aadamahana waxaan kala xishoodaa in been iga daba iman doonta aan u sheego.
1) Haday awood u leedahay Dawlada Xamar inay inaga joojin karto waxba iskamay hagranahayn oo waatii Dalka Imaaraadka ugu taag heshiiska Dekada ee DPWorld  diyaaradna awood uma laha inay inaga joojiso Dalka Imaaraadka Carabtuna maaha Qatar & Turkiga ay wataane ku xisaabtama oo ha dhegaysanina walee inaan midh ka jirine.

2 )Ethiopian Airlines Fly geedii maanta iyada ayaa sheegtay xaga farsamo oo iyada khusaysa inay u joojisay Diyaaradaas berina ay iman doonto oo waxa beri oo kaliyi ka hadhsantahay weeyaan qofkii doonayaana waxa uu gali karaa Mareegta ay ayagu leeyihiin cadaynteedana xaga hoose ayaan soo dhigayaaye ha dhegaysanina iyana waa been cad oo aan midh ka jirine.
3)  Dawlada Xamar awooda kaliya ee ay leedahay waa been & Borobagaando Social mediayaha ah oo ay ku bixiso lacago badan wakhti badana ay geliso taas oo ay ku beegsanayso cid kasta iyada oo rabta inay ku khal khal galiso shacabka Reer somaliliand & Dawladooda  hadaa idinku baran waydaana idinka ayaa Ka liita


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured