Goldaloolada Nidaamka Garsoorka Dalka Iyo Isku Milanka Saddexda Waaxood, Waxuu Tilmaamayaa In Laga Baydhay Ku Dhaqanka Dastuurka Jsl, Qormadii 2 Aad!

0
Saturday March 21, 2020 - 16:29:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goldaloolada Nidaamka Garsoorka Dalka Iyo Isku Milanka Saddexda Waaxood, Waxuu Tilmaamayaa In Laga Baydhay Ku Dhaqanka Dastuurka Jsl, Qormadii 2 Aad!

    Goldaloolada Nidaamka Garsoorka Dalka Iyo Isku Milanka Saddexda Waaxood, Waxuu Tilmaamayaa In Laga Baydhay Ku Dhaqanka Dastuurka Jsl, Qormadii 2 Aad!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goldaloolada Nidaamka Garsoorka Dalka Iyo Isku Milanka Saddexda Waaxood, Waxuu Tilmaamayaa In Laga Baydhay Ku Dhaqanka Dastuurka Jsl, Qormadii 2 Aad!

Qaab dhismeedka dawladnnimada Somaliland waa mid ku cad dastuurka,waxaanu qarankani ka kooban yahay saddex waaxood oo kala madax bannaan,si ay isku dheeli tiraan saddexda waaxood,isla markaana isla xisaabtanka iyo koboca maamul wanaaggu u noqdo mid kordha maalinba maalinta ka dambaysa sida ku cad :- Qodobka 37 aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland faqradiisa Labaad .

 

2;Dhismaha Qaranku waxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah Xeer dajinta,Fulinta iyo Garsoorka,kala xadaynta saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida dastuurku dhigayo,waax waliba awoodda dastuurku u gaar yeelay way u madax u bannaan tahay .

Muwaadin dhugu qodobka dastuuriga ah ee tilmaamaya qaab dhismeedka dawladda Somaliland iyo kala madax bannaanida saddexda waaxood,waxaase iswaydiin mudan:- Dhaliishan mugga leh yaa leh Masuuliyadeeda ? Miyayna se u muuqan Siyaasiyiinta saaxadda siyaasadda ku hirdamaya mucaarad iyo muxaafidba ? Kaalintee ayay ku leeyihiin labadii Madaxwayne ee xilka lakala wareegay ee Xisbiga Kulmiye ka soo jeeday isku milanka saddexda waaxood ? Sideese loogu soo dabaali karaa saddexda waaxood ku dhaqanka dastuurka dalka Somaliland ? Maxayse heshiis ku yihiin Saddexda waaxood ee isku bahaystay ku dhaqan la’aanta dastuurka jamhuuriyadda Somaliland ? Goormay ayay bilabantay isku milanka saddexda waaxood ?

Waxaa taariikhda ku xusan in Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal Alle ha u naxariistee mar uu sharaxaad ka bixinayay dhismaha dawladeed ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tilmaamay tiirka udub dhexaad ku ah dawladda Somaliland uu yahay Waaxda xeer dajinta. Balse nasiib darro halka qaranka Somaliland ka liigayo ee uu dheeliga ku yeeshay waa waaxda xeer dajinta Wakiillada iyo Guurtida,mar hadii uu shaki ku jiro jiritaanka sharciyeed ee labada gole Wakiillada iyo Guurtida,ka dib markii Maxkamadda sare ay ka gaabsatay dacwadii ay u gudbiyeen madasha wada tashigu,                                   isla markaana shaki galisay sharci ahaanshaha muddo kordhinta Golaha Guurtidu u samayso Golaha Wakiillada,halka Golaha Guurtidu isku kordhiyaan .

Inkastoo maaweelada u wayn ee bulshada duruufta nololeed la daalaa dhacaysa lagu sabaaleeyaa ay noqotay”bal eeg dalka jaarkeena ee Soomaaliya nabad galyo darrada ka jirta”.Mar kale,waxaa taariikhda  ku xusan in curashadii xukuumaddii hore ee Xisbiga Kulmiye uu bilaabmay isku milanka saddexda waaxood,waxaana sida dayax iyo shan iyo tobnaadka ugu muuqday dadka arrimaha siyaasadda sida joogtada ah ula socda in isku milanka saddexda waaxood ee dawladda Somaliland ka kooban tahay meesha ka saaray dheeli tirnaantii,isla xisaabtankii iyo kobicii maamul wanaagga ee bulshada Somaliland filayeen in hore looga sii socdo halkii shalay la joogay,balse dib looga dhacay .

Halka maanta Madaxwayne Muuse Biixi ku guul darraystay in uu keeno siyaasad cad oo dheeliga ka saari karta dawladda somaliland,iyadoo isku milanka saddexda waaxood ee qaranku ka kooban yahay uu sabobay qodobadan :-

2.Nabad Galyada Iyo Golaha Guurtida .

Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland waxuu si gaara ugu waajibiyay Golaha Guurtida arrimaha nabad galyada,dhaqanka iyo diinta,waxaase xusid mudan in muddadaa tobanka sannadood ee xukuumaddaha Xisbiga Kulmiye xilka la kala wareegeen aanu Golaha Guurtidu hormood ka noqon arrimahii nabadaynta ee colaadihii iyo dirirtii ku soo noqnoqday bulshada Somaliland dhexdeeda,arrintaasi oo tilmaamaysa xilgudasho la’aan.Iyadoo taariikhda lagu xusi doono in shirkii u dambeeyay ee nabadaynta Ceel Afwayn aanu Golaha Guurtidu kaalin muuqata ku lahayn,halka maalinta xukuumadda Xisbiga Kulmiye soo hor dhigto mooshinada muddo kordhinta iyo kuwo la mid ah ay fadhiga ka soo wada xaadiraan  .

2;Miisaaniyadda iyo Golaha Wakiillada .

Inkastoo Golaha Wakiilladu dastuurka Somaliland si gaara ugu waajibiyay ansixinta,wax ka baddelka iyo kaabista miisaaniyadda.Muddo toban sannadood ah oo xukuumaddaha Xisbiga Kulmiye xilka la kala wareegeen,waxay Golihii Wakiilladu noqdeen kuwo u dabran raali galinta xukuumaddaha Xisbiga Kulmiye ee u fududeeyay in ay kuraasta ku fadhiyaan saddex muddo xileed iyo in ka badan,waxaa xusid mudan Miisaaniyadiii Sannaddeedkii 2017 ay xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo ku sabootiday Bulshada masaakiinta ah ee duruufta nololeed,aqoon la’aanta iyo qabyaaladda la daalaa dhacaysa.

Isku wada duuboo,waxaan Alle ka rajaynayaa in ay iman doonto maalin sharcigu sarrayn doono oo Maxkamadda la soo taagi doono Xukuumaddii odoroska miisaaniyaddaa lahayd iyo Xildhibaanadii Golaha Wakiillada ee Ansixiyay Hadii Alle idmo .

LASOCO




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured