Waayahaygii Xabsiga: Faya-xumada Saldhigyada iyo Feejignaanta Dunida Ee Korono-Fayras (2). W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr

0
Saturday March 21, 2020 - 19:56:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waayahaygii Xabsiga: Faya-xumada Saldhigyada iyo Feejignaanta Dunida Ee Korono-Fayras (2). W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr

    Kulaylka, Kadeedka, Koobnaanta iyo Karaahida Qaybta C.I.Dda Hargeysa ee K-da loo yaqaanno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulaylka, Kadeedka, Koobnaanta iyo Karaahida Qaybta C.I.Dda Hargeysa ee K-da loo yaqaanno.
Marka laga yimaaddo nooca maxaabiista ku xdhnayd oo aad dhegaha faraha gelin doontaan haddii aan ka warramo, waxa 24 habeen oo aan ku xidhnaa xarunta la-dagallaanka argaggixisada ee  C.I.Dda Hargeysa la ii soo wareejiyay laba qol oo ah xabsigii ay ciidanka dembi-baadhistu dadka ku xidhi jireen. Labadaas qol iyo daaraddooda waxa lagu bannadaa maxaabiis gaadhaya 62 qof.. 

Caafimaad iska daaye, wuu ashahaadayaa qofka galaa. Waxa cidhiidhi noqda ogsajiinta, hurdada, hawada iwm. Sidii hanfigu ii leefay habeenkaas oo weliba mid farxadeed ahaa ayaan halkan kaga warramayaa. Mar ayaan gacanta gelin doonaa kiisaskii u-qaadan-waaga ahaa ee aan goobjoogga uga ahaa, imaka se xagga faya-dhawrka ayaan ka eegayaa.


12kii Sebtember 2016ka oo ku beegnayd maalin ciidal-carafo ah ayaa xilli galab ah la wargeliyay saddex maxbuus oo aan ku jiro, waxa la yidhi "Soo qaata alaabtiinna, waxa CTU la keenayaa maxaabiis laga soo daabulay magaalada Laascaanood, sidaas awgeedna waxa la idiin wareejinayaa qaybta kale ee C.I.D oo "K” loo yaqaanno”. Annaga oo hu’gii iyo heeryadiiba sidanna ayaa na lagu kala xareeyay laba qol. Alla kululaa, kadeed badanaa!.

Maxaa buuq ah, maxaa injir ah, maxaa kaneeco ah, maxaa heerkul sarreeya ah, maxaa dhidid iga dareeraya, maxaa dawakh iyo daadduun i helay, maxaa qiiq sigaar baxaya, maxaa weydiin aanad qaadi karin iyo wareysi ah. Dhisme ugu badnaan ku habboon toddoba maxbuus ayaannu ku galnay 14 nin. In ka badan intii uu qaadi karayay ayaa sida adhiga loogu daabulay. 

Dirqi ayaad ku helaysaa meel aad jiifsato, haddii aad is-rogto qof kale ayaad soohdintiisa gelaysaa. Waxa aan mar labaad indhaha saaray dulinka injirta oo ay iigu dambaysay 1996kii. Miyaad weli qol-wadaag noqoteen dad maskax ahaan aan caafimaad-qabin oo u baahan in la geeyo cusbitaalka dhimirka?

Markii aanu ka yaabnay dhiig-miiratada dheecaanka naga nuugtay, waxa ay ragga qaar odhan jireen "qaniinyada injirtu waxa ay sifaysaa dhiigga, weliba waxtar gaar ah ayay u leedahay dadka macaanka qaba. Sidii aan ula qabsaday waan u xiisaa qaniinyadeeda”. Ma waxa aad aragteen nin weyn oo marka uu toosaba injiraysanaya: iska baadhaya qindhicil, illaa ay gaadhay heer lagu tartamo qofka noqda horyaalka kowaad ee hoggaaminaya inta cayayaanku barada ka dhigtay. 

Ta jaqaafinaysa ee cayishayba waxa nagaga darnaa ukunta/beedka dharka hoose barriinsaday ee kolba dillaacaya! Waa ba tiiyoo aanu galnay qaboobe uu qubaysigu yar yahay. Waxa ay u tarmaysaa si maxaa kaa galay ah. Eebbe xabsiga ha ka soo saaro dhammaan maxaabiistii aanu isku minanka ahayn iyo kuwo kasta oo xaq-darro ugu xidhan dalka gudihiisa iyo caalamka cidhifyadiisa.

Ma laha daaqado ku filan oo hawadu ka soo gasho, irridkuna waxa uu ka samaysan yahay bir adag, keliya waxa bannaan wax taako le’eg oo cuntada iyo biyaha laga soo geliyo. Haddii uu maxbuus istaago albaabka iyo daaqadda dinniikha ah, waxa lagu siganayaa in neef-qabatin loo galbado. Makhsinnadani malaha musqul, waxa lagu kaajayaa jirikaan, haddii aad ibta la weydana kaadidu way kugu daadanaysaa. Adiga oo nijaas leh ayaad faralka Eebbe gudanaysaa, illeen daahir ma noqon kartide.  

Laba jeer oo aroornimada iyo galabnimada ah ayaa maxaabiista loo soo daayaa in ay u kaltamaan suuliyo deyrka ku yaalla. Intaasna waxa lagu hayaa caga-juleyn "Xareeya. Dhakhsada. Laba laba u soo baxa. Ha maydhannina” ayaa gabbal iyo waale lagu haddidaa. Urta iyo qadhmuunka suuliyada ka baxaya waa laga fajacayaa. Waxa aan tacsi u dirayaa ciidanka booliska Somaliland ee aanay dhibaatada ku haynnin/ka damqanaynnin waxyeellada shacabkoodu.

Dhawr jeer ayaa aan albaabka istaagay si aan dibadda/barxadda xabsiga u fadhiisto, laakiin codsigaas lama aqbalin. Sharciga meesha ayaa ah "maxbuuska cusub geeya VIPda, daawadsiiyana fiidyawga”. Maxaa VIP ah, ciqaabtii adduunka ayaa lagugu soo dhaweynayaa. Askari aanu is-jiidhnay maalin 2014kii ahayd oo meesha la igu xidhay, ayaa wacad ku maray in aanan neecawda indhaha saarin. Shaw anigiibaa wada godob iyo garaafo ah oo cid walba la laacdamay! Inta iga gardarnayd ayaa se badan.

Waa maalintii ay iigu darnayd horreyso iyo dambaysaba intii la i xidhay, cidhiidhiga aan habeenkaa mutay awgii waxba ma cunin. Keliya waxa aan cabbay caagado caano iyo sharaab waaweyn ah oo aan sitay. Malaayiin jeer ayaan karay oo aan is-laba-rogay, xaraaradda jidhka iyo hoorka dhididka ayaa aan ku maydhay. Si kale kuma garatide, waan fuuq-baxay! Ilaahay ha ka abaal-mariyo kuwii daadduunkaas iyo diilalyadaas daw-darrada ah igu dirqiyay.

Hiirtii waaberi ayaa aan dibadda uga soo baxay qolkii, aniga oo feedho-qaawan baan u calaacalay madaxii askarta ilaalada ah "Walaal, waxa aan leeyahay macaan. Dawo iyo cunto midna la iima keenin. Xalay qolku waa uu kululaa, fadlan ii oggolaada in aan bannaanka ku nasto sida ragga kale”. Si ragannimo leh ayaa uu Mujaahid Guray Cali-baas u fuliyay codsigii aan u gudbiyay. Eebbe ha ugu daro miisaanka xasanaadka. Askartii u lahayd maalmaha kalena sidii ayaa ay iigu oggolaadeen in aan barxadda joogo maalin iyo habeenba. 
Waxa se la-yaab ahaa in askartii waaxdani ay diideen in ay dawada macaanka tallaagad iigu ridaan "Ma garanaynno dukaan aanu geynno, iska hayso” ayay yidhaahdeen, kaddibna dhaladii waan tuuray. Tallaabadaasi waxa ay sababtay in aan lix iyo konton cisho heli waayo dawadii wehelka ii ahayd. Haddana sidaas oo ay ahayd waan qarsan jiray. 

Waxa ay iigu darnayd maalintii aan Faytamiin Siiga ‘Vitamin C’ u baahday ee la yidhi "Armaad ku dhimataa? Ma keenaynno illaa aad aanu oggolaansho ka helno madaxda xerada ama aanu aragno warqad uu dhakhtar saxeexay”. Markii ay cadceeddu dhacday ayaa dirqi la iigu soo iibiyay kiniinkaa cirridka iyo ilkaha loo cuno, waxaana la i hortaagnaa illaa lix saacadood.

Maxaabiista dibadda seexataa waa bacad-yaal u nugul cadceedda, dhaxanta iyo cirka (roobka). Habeennadii kowaad ee aan deyrka jiifsaday waxa nagu da’ay roob dhibic iyo dhaxan badan lahaa. Hu’ga oo igu yaraa awgii, waxa aan la gam’i waayay qabawgii sibidhka. In aan jirro ka qaado gabaddanada ayaan ku sigtay, sidaas awgeed baa aan go’ayaal dhawr ah iyo buste u dalbaday. 

Xasuusta waxa ku jira habeen roob xooggani hooray, maxaabiis habeenkii xeroon jirtay ayaa loo diiday in ay gudaha galaan, ilaaladina magaalada ayay ku fooftay. Nalkii bixi jirayna waa uu demay, waxaanay maxaabiisti gogladeen bacda roobka la isaga dhigo, bac kalena guudka ayay iska saareen. 

Waxa la-yaab ah in C.I.D Hargeysa lagu daabulo maxaabiis laga keenay Gobollada Awdal iyo Sool. Miyaanay gobolladaasi lahayn haayado baadhitaan iyo xabsiyo dadka lagu xidho? Lix qof oo Laascaanood laga keenay waxa la soo waday fogaan dhan lix boqol oo km (600 KM), kaddibna wax dembi ah laguma helin. Halkii kiiskooda lagu qori lahaa dembi-baadhe Sool ka shaqeeya ayaa loo dhiibay mid Hargeysa ka tegay oo safar shaqo meesha ku gaadhay. 

Isaguna waxa uu yidhi "gaadhiga ii soo saara”. Maxaa ehelkooda looga soo durkiyay? Miyaanay halkaas ku oollin maxkmado degmo iyo gobol oo garsoorka lagu aamminaa? Ma sidii dadka Xamar loogu jujuubi jiray ayaa muwaaddiniinta gobollada kalena Hargeysa loogu soo wandaafinayaa?

Bal dadka halkaas ku jira ee lixdanka gaadhaya a warran?
La soco qaybta saddexaad habeen dambe idanka Alle


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured