Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqay Xuska Weynaynta Habeenkii Nabigeeni Muxamed SCW La Dheelmiyey.

0
Sunday March 22, 2020 - 00:51:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqay Xuska Weynaynta Habeenkii Nabigeeni Muxamed SCW La Dheelmiyey.

    Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqay Xuska Weynaynta Habeenkii Nabigeeni Muxamed SCW La Dheelmiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqay Xuska Weynaynta Habeenkii Nabigeeni Muxamed SCW La Dheelmiyey.
Hargeysa(Xogreebnews):- Guddoomiyaha Jimciyadda Waxbarashada Diinta, Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah (Jimciyatul Axbaab), Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi ayaa Bulsho weynta  Soomaaliyeed iyo Shucuubta Islaamka meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu baaqay inay si weyn u xusaan habeenka Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee la dheelmiyey ee Laylatul Israa-wal-micraaj.
Sayid Maxamed Sayid Cabdillaahi Xaaji Cilmi oo Guddoomiyaha Jimciyadda Waxbarashada Diinta iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah (Jimciyatul Axbaab), oo warbaahinta kula hadlay xarunta Jimciyatul Axbaab ee magaalada Hargeysa,  ayaa ugu horeyn waxa uu bulshada ku baraarujiyey sidii ay u waynayn lahaayeen, una xusi lahaayeen Habeenkii la dheel-miyey Nebi Muxamed (S.C.W) ee Laylatul Israa-wal-micraaj.  
Guddoomiyaha Jimciyadda Jimciyatul Axbaab, oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi "Jimciyadda Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah (Jimciyatul Axbaab) waxay Bulshada Soomaaliyeed  iyo dhamaan Ummadda Islaamku meelkasto oo ay joogto ogaysiinaysaa isla markaana ku baraarujinaysaa inay caawa ku beegan tahay, Laylatul Israa-wal-miciraaj oo ah habeenkii Nebigeennii Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee (SCW) la dheelmiyey. Habeenkan oo mudan in la qiimeeyo lana weyneeyo xuskiisa.
Guddoomiyaha Jimciyadda Jimciyatul Axbaab oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi " Sanadkan Jimciyatul Axbaab waxa ay bulshada ku baraarujijaysaa  in si weyn loo oogo xuska habeenka qiimaha badan iyadoo la waafajinaayo, baaqiigii gudida ka hortaga xanuunka covid19 ee ahaa in la yareeyo goobaha bulshadu isagu imanayso, taasi oo aan halkan bulshada uga soojeedjnaayo in guryahooda iyo goobahooda gaarka ah ay ka xusaan habeenkan qiimaha badan, isla markaasina ay aad u alla baryaaan kana ducaystaan xanuunkan dunida mashaqeeyey ee Covid19 iyo dhamaan aafaadka iyo dhibaatada dunida ka jirtaba"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured