Xasuusta Xilli Uu Marxuun Cigaal Rabay Inuu Guryihiisii U Dambeeyay Ee Burco U Iibiyo Loollanka Siyaasadda: SidiI Ay Ku Badbaadeen 1993kii. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr

0
Sunday March 22, 2020 - 13:16:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuusta Xilli Uu Marxuun Cigaal Rabay Inuu Guryihiisii U Dambeeyay Ee Burco U Iibiyo Loollanka Siyaasadda: SidiI Ay Ku Badbaadeen 1993kii. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr

    Xasuusta Xilli Uu Marxuun Cigaal Rabay Inuu Guryihiisii U Dambeeyay Ee Burco U Iibiyo Loollanka Siyaasadda: SidiI Ay Ku Badbaadeen 1993kii. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasuusta Xilli Uu Marxuun Cigaal Rabay Inuu Guryihiisii U Dambeeyay Ee Burco U Iibiyo Loollanka Siyaasadda: SidiI Ay Ku Badbaadeen 1993kii. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr
Si miyir leh uga bogo, una dhuux dulucdeeda.
Sheekadan waxa 2013kii nooga warramay Marxuun Weli Xaaji Daauud Cigaal oo ay ilmaadeer ruma ahaayeen Madaxweynihii Labaad Ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Alle ha u naxariisto labadoodaba. Marxuun Weli Xaaji Daauud waxa uu geeriyooday 2015kii. Waxa ku jirta xog ku saabsan sidii ay Cigaal iyo qoyskiisu ahaayeen waayadii uu talada Somaliland hayay 1993-2002.
Waa tan warbixinti:
Alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa iigu horraysay markii uu ka soo degey madaarka Berbera 1992kii markaa anigu ganacsade ayaan ahaa. Alxamadulillaah, Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal wuxuu ka tegey magac fiican oo sharaf leh.
Habeenkii uu berri oo kale tegayay Boorama ayuu subixii ii yeedhey, wuxuu igu yidhi "Waxa aan tegeyaa Boorame, labadaa oday baad Burco u raacaysaa, guryihii Burco ku hadhay baad soo iibinaysaa”markaa labada oday waa Xaaji Siciid Cige iyo Cismaan Geeljire oo reer Berbera ahaa, 
Guryaha markaa waxa wakaaladdeeda haya abtigii oo reer Burco ahaa, warqad buu u qoray. 
Waxa uu yidhi "Warqaddaas qaada odaygii ii abtiga ahaa u geeya, guryihii Burco siday u dhanyihiin waa la iibinayaa, waxaanad samaynaysaa lacagta adigaa qabanaya odayaashuna guri aanad ogayn ma iibinayaan”. Warqaddiina waxa uu u dhiibey Siciid Cige.
Taariikhdii horaan hayaa, Berbera ilaa 120 guri ayay reerku ku lahaayeen, dhammaantood waa la iibiyay oo xabbadi kama hadhin, marka laga reebo guri yar oo kharaaba oo immika u dhaw halka ay ku aasan yihiin Alle ha u naxariistee Xaaji Ibraahin Cigaal IHUN iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal-ba. Burcana ilaa 37- guri bay ahaayeen, oo halka suuqa ee Xamarta u badan. 
Markaa guryihii Berbera ee reer Xaaji Ibraahin Cigaal waxa loo aanaynayay oo iibiyey walaalkay Yuusuf Daaud, oo ololihii Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee u dambeeyey oo ahaa 1969kii uu ku yidhi "guryaha Berbera wada iibi” oo isna soo wada iibiyey.
Subaxii baan ku kallahay oo aan ku idhi, "Waar heedhe Maxamed dee guryihii waagii horena Yuusuf baa wada iibiyey baa la yidhi, ma waxaad doonaysaa in la yidhaahdo intanna Weli baa isna iibiiyey. Midda kale intaasaa hanti ummaddiiba u hadhee maad inaga deysid?”. 
"Maya’e soo iibi” buu yidhi, waxaan ku idhi intaan u tilmaamay afar guri oo ka mid ah "afartaasaan kala hadhayaa”. Wuxuu yidhi "kala hadh oo inta kale soo iibi”. Dabeedna subaxii baanu saarnay diyaaradda, Boorame ayuu tegey.
Labadii oday ee Siciid Cige iyo Cismaan Geeljire, Burcay subaxiiba u baxeen, oo anna waxaan ku idhi "Sii socda, waan idinka daba imanayaa sayladda sii gala”. Kuma niyad samayn in guryaha la iibiyo, Maxamedna waan arkayaa isagu siyaasaddii buu ku maqanyahay.
Waxa dhacday odayaashii 15 cisho ayaan dib uga dhacay oo aan Berbera joogey, odayaashii waxay la hadleen Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Boorame jooga, fooniyey u direen oo telefoonno ma jirin. 
Waxay yidhaahdeen "Ninkii Weli ma haynno”.
Deedna Fooniyaa la iisoo diroo, waxa ii yeedhey nin la odhan jirey Maxamed Jaamac oo fooniye haystey, waxa ila soo hadlay Alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, "Immika bax, odayaashii 15 cisho ayay ku sugayeene, hadda bax” buu yidhi.
"Waayahay” baan ku idhi, oo talaa igu caddaatay. Oday la odhan jirey Alle ha u naxariistee Maxamed Cabdiraxmaan (Luggooyo) oo Berbera joogey ayaan u tegey, arrintii baan uga warramay. Wuxuu igu yidhi "Ninkan wixiisa lagama horyimaaddee wixii uu ku yidhaahdo yeel oo wixiisa sidiisa ugu fuli”.
Waan tegey Burco, odayaashii baan ugu tegey. Waxaan la kulmey nin aanu ehel nahay oo la  odhan jiray Maxamed Daahir Cabdi. Wuxuu igu yidhi "Maxaa idinku kallifey afartii cooshadood ee halkan ku hadhay inaad iibisaan?”. Isna wuxuu ku adkaysanayay aqalladaasi in aanay iib gelin”.
Habeenkii danbe, markaan laba cisho joogey Burco ayaan odayaashii oo jooga Burco ka soo baxay. Hargeysaan imi, aniga oo aan weligayna Boorame arag, markaa muu jirin gaadhi tegi jirey Boorame oo Hargeysa ka bixi jiray, waxaan raacay gaadhi yar oo Gebiley tegeyey. Waa Ramadaan oo waa colaad oo waddooyinka lama maro. 
Goor galab ah ayaan gaadhay Boorame, gurigii ergeda Alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ay joogeen baan tegey. Waxa aan ugu galay qolyar oo uu furaash yari u yaallay. Horaan qorshe usoo samaystoo xaggii siyaasadda ayaan ka maray, waxaan idhi:
"Xaaji laguu warran, meeshii Burcaan tegey si aan guryihii usoo iibiyo, suuqaan xaalkiisa eegey. Waxaan arkay dadkii oo leh mar haddii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalba guryihiisii Burco wada iibinayo meeshii waxba ma yaallaan, oo nabaddii aanu islahayn way dhalanaysaa ma jirto, rejo ma taallay  dhaheen reer Burco, markaa magaaladii ninkastaaba wuxuu yidhi gurigayii waa xaraash”
Intuu cirkaa u boodey ayuu yidhi "Ha seexannin caawa, gaadhigan aad wadatey dib u kaxayso, tag Burco odayaashi faraha ka qaada dheh” anna waa intaan doonayay. Odayaashii fooniyaan u diroo intaan Berbera tegey ayaan ku idhi "Hawshii waa la joojiyee, iska soo noqda”. Markaa dhawr iyo soddonkii guri sidii baan ku badbaadiyey. Ilaa maanta kuwii baa u qabyo ah. Waxa uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal yimi Hargeysa markii Madaxweynaha Somaliland loo doortay.
Guri baan Hargeysa uga sii kiraynnay, dabeedna aniga waxa iigu dambaysay markii uu gurigaas ka guurey ee uu madaxtooyadii u guurey. Waxaan u malaynaa inaan mar kale arkay. Wuxu ahaa nin neceb inuu dadkiisa uga faaiideeyo dawladda. 
Wakhtigii u dhimanayay ayaa ii xigtey, maan arag markaana waxa aan isku deyay in aan ka daba tago. Markii la qaaday kaddib ayaan damcay in aan ka daba-tago, waxaan u tegey Md Rayaale oo madaxweyne xigeen ahaa, waxaan ku dhi:
"Madaxweyne waan ogahoo Maxamed Xaaji Ibraahin wuu dhimanayaa, waxaan doonayaa in aan ogaado oo ka daba tago”. Wuxuu iigu jawaabay "Inaadeerkaa waad ogtahoo wuu i qabsanayaa”. Waxaan ku idhi "Kharashka anaa iska bixinaya keliya waxan kaa rabaa inaad fiise ii weydiiso safiirka inoo jooga South Africa ee Iqbaal”
Waxa uu iigu jawaabay "Inaadeerkaa waad ogtahoo wuu i qabsanayaa, ku siin maayo”. Markaa waxaad dareemaysaa sida ay cid waliba ula socotey in marxuunku aanu jeclayn qoyskiisu inay ku milmaan inta uu xilka hayo.
Aniga anigoo halkan jooga, wasaaradda maaliyadda oo aan xil hayn, ayaa maalin wasiirkii maaliyadda Md Maxamed Siciid Gees, ayuu subax shirkii golaha wasiirrada markii laga soo baxay ayaa nin uu malaa ku yidhi "i xasuusi”, uu ku yidhi Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, "waakan Maxamed Siciid Gees”. 
Markaasuu ku yidhi "Waaryaa Gees, saw ma ogid inuu inaadeerkay rumi kula shaqeeyo?” Markaasuu yidhi Gees "Kuma?” markaasuu yidhi "Weli Daauud Cigaal”. Markaasuu yidhi Gees "Haa”. Markaasuu yidhi "Berrito eri”. Markaasuu yidhi Gees "Dee madaxweyne waa shaqaale ninku, sideen u eryaa? Imitxaan buu galay, 
haayadda shaqaalaha ayay imtixaan ka galeen, weliba dadkii ugu sarreeyeyna wuu ahaa ee adigu warqad aad kaga saarayso shaqada soo qor”.
Dabadeed markaasuu Gees u yeedhay nin la odhan jirey Xuseen Faarax Dooddi , oo halkan wasaaradda maaliyadda nagala shaqayn jirey. Markaasuu ku yidhi "Waar Xuseenow odaygii Weli buu haystaa bal hadda warbixin yar ka sii”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured