Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Bedelay Beebebkii Daalay ee Magaalada Biyaha keeni Jiray "Lix(6)Gobood oo Burbur, Daxal iyo Jajab wakhti dheer Soo Jireen Ahaa aanu ku Gulaysanay inan soo Afjarno".

0
Sunday March 22, 2020 - 17:34:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Bedelay Beebebkii Daalay ee Magaalada Biyaha keeni Jiray "Lix(6)Gobood oo Burbur, Daxal iyo Jajab wakhti dheer Soo Jireen Ahaa aanu ku Gulaysanay inan soo Afjarno".

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Bedelay Beebebkii Daalay ee Magaalada Biyaha keeni Jiray "Lix(6)Gobood oo Burbur, Daxal iyo Jajab wakhti dheer Soo Jireen Ahaa aanu ku Gulaysanay inan soo Afjarno".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Bedelay Beebebkii Daalay ee Magaalada Biyaha keeni Jiray "Lix(6)Gobood oo Burbur, Daxal iyo Jajab wakhti dheer Soo Jireen Ahaa aanu ku Gulaysanay inan soo Afjarno".
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Eng. Saleebaan Cabdi Looliye, ayaa Shaqaalaha Wakaalada Biyaha ku boggaadiyey adkaysigii iyo dedaaladii ku bedeleen MAINPIPE-KA  Magalada Biyaha Keena.
Maareeye Saleeban waxa uu sheegay inay ku guuleysatay Wakaaladdu in beebabkii daxalaystay Magaalada Biyaha keeni jiray laga bedelay, isla markaana kuwo cusub hada Keenan, sidoo kale waxa uu Maareeye saleeban xusay inaan shaqaalihiisu maanta fasax ahayn, sidaas waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxanu u dhigan yahay sidan.
"MAHADNAQ. Marka hore Alle ayaa Mahad Oo dhan leh,
Marka Labaad Waxaan Si Kal iyo Laab ah ugu Mahad Celinayaa Shaqalaha #Wakalada #Biyaha #Berbera  Gaar ahaan waaxda #Farsamada Oo Dadaal iyo Adkaysi Muujiyay Si ay Ugu Adeegan Shacabkooda Una Gutaan Wajibadkoda Shaqo Taas oo Aan kala lahayn Habeen iyo Maalintona Si joogto ahna U Waday dayactirka iyo Bedelida Pipeska Daalay.


Manta oo ay ahayd Malin Fasax Dhaman shaqalaha dawlada iyo qarankuba Waxaanu Dayactir Balaadhan ku Samaynay #MAINPIPE-KA  Magalada Biyaha Keena 
Lix(6)Gobood oo Burbur, Daxal iyo Jajab wakhti dheer Soo Jireen Ahaa  aanu ku Gulaysanay inan soo Afjarno Mahadaasna waxaa iska leh shaqalahii shaqadan Qabtay Waxanay Qaadatay Muddo 8Hrs ah oo aan mar qudha Joogsi Lahayn. 
Waxaa Kale oo Iyana Markasta si joogto Ah Noo Garab Taagan Mamulka Gobolka iyo Degmada Gaar Ahaan Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Ay Marmarka Qaar Nagu kalifto Inan Jarno waddo Cusub Oo farta Laga Qaaday Nagalana Shaqaysa Dhaman Wixii Shaqo iyo Iskaashi Ah Wanan Uga Mahadnaqaynaa Dadaalka Ay Nagula Jiraan.
 Waxaa Kale oo iyana Had iyo jeer Nala Dareen Ah Macamishayada Gobta ah ee Xaaladkasta oo aan ku jirno Nagarab Taagan  una Adkaysta wakhtiyada Shaqadu Socono  Muddo Kasta oo ay Qadato, Waxaanu ka Raali gelinaynaa Marmarka Qaar Haduu hakad  Galo Biyaha Shaqada Darteed.
Geba Gebaddii Waxaan ku Kalsoonay in Shaqada manta la Qabtay ay soo kordhin Doonto Biyo markasta inaga khasaari jiray Dhulkana ku socon jiray. 
Mahadsanidin Dhamantiin".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured