Soomaaliya Oo Go'aan Fulaynimo Ka Qaadatay Khilaafka Dowladaha Itoobiya Iyo Masar...

0
Tuesday March 24, 2020 - 16:21:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Go'aan Fulaynimo Ka Qaadatay Khilaafka Dowladaha Itoobiya Iyo Masar...

    Soomaaliya Oo Go'aan Fulaynimo Ka Qaadatay Khilaafka Dowladaha Itoobiya Iyo Masar...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Go'aan Fulaynimo Ka Qaadatay Khilaafka Dowladaha Itoobiya Iyo Masar...

Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay oo diiday qaraarkii ay horay u taageertay ee Jaamacadda Carabta, kaasoo loogu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo-xidheenka Webiga Nile kadib waraaq ay u dirtay Jaamacadda Carabta.

Waraaqda ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inay ka gaabsatay qaraarkaas ayna dhexdhexaad ka tahay, isla markaasna ay soo jeedineyso in khilaafka u dhaxeeyo dowladaha Itoobiya iyo Masar lagu xaliyo qaab wadahadal ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeesay ka hadley khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay dowlada Itoobiya dhiseyso  ee khilaafka ka dhax abuuray Dowladaha Itoobiya iyo Masar.

Waxaa uu sheegay wasiir Cawad in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee Masar iyo itoobiya, waxa uuna meesha ka saaray in Soomaaliya ay labada dhinac mid la safan tahay.

"Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaafka dowladaha Itoobiya iyo Masar waa dhex dhexaadnimo,xaqiiqdii fursada kaliya ee inoo furan waxaa waaye inay isku soo dhaweyno ama aan ka aamusno balse marnaba Soomaaliya looma yeerin doono go’aankeeda ayuu yiri” Wasiir Cawad.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay saxiixday taageero Wadamada Carabta u muujiyeen dowlada Masar, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya ay arintaasi dhax dhaxaad ka tahay.

Dowlada Soomaaliya oo xiriir dhaw la leh dowladaha Itoobiya iyo Masar ayey ku adkaatay in dhinac la safato, waxaana Madaxda Soomaaliya go’aansadeen in khilaafkan dhax dhaxaad ka noqdaan si aysan saameyn xun ugu yeelan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured