DAAWO;-Dugsiga Sare Cigaal Secondary Oo Noqday Dugsigii Ugu Horeeyey Ee Jsl Suurta Galiyay In Ardayda Fasalka 4Aad Si fudud Ku Helaan Xiisadahoogii Caadiga Ahaa!

0
Thursday March 26, 2020 - 20:28:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO;-Dugsiga Sare Cigaal Secondary Oo Noqday Dugsigii Ugu Horeeyey Ee Jsl Suurta Galiyay In Ardayda Fasalka 4Aad Si fudud Ku Helaan Xiisadahoogii Caadiga Ahaa!

    DAAWO;-Dugsiga Sare Cigaal Secondary Oo Noqday Dugsigii Ugu Horeeyey Ee Jsl Suurta Galiyay In Ardayda Fasalka 4Aad Si fudud Ku Helaan Xiisadahoogii Caadiga Ahaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAWO;-Dugsiga Sare Cigaal Secondary Oo Noqday Dugsigii Ugu Horeeyey Ee Jsl Suurta Galiyay In Ardayda Fasalka 4Aad Si fudud Ku Helaan Xiisadahoogii Caadiga Ahaa!

GABILEY(Xogreebnews)-Kadib markii Gudida ka Hortaga caabuqa coronavirus Iyo masuuliyiinta wasarada waxbrashada ayaa ku dhawaaqeen in dugsiyada waxbarshada ee somaliland la fasaxay mudo afar todobaad ah si looga foojignaado xanuunka sida xawliga ah dunida ugu faafaya ee coronavirus oo xukuumada somaliland ku dadaalayso sidii aanu ugu soo gudbi lahayd gayiga Somaliland.

 

Maamulka Dugsiga Sare Ee Cigaal Secondary Oo Kamid  Dugsiyada Ku Yaala Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley  ayaa Hirgaliyay talaabo muhiim u ah Oo ardayda dugsiga sare Gaar Ahaan Ardayda fasalka afraad Ee dhawaan u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ka caawinaya in ay helaan casharadoodii caadiga ahaa  iyagoo maamulka iskuulku ay hirgaliyeen qaab fudud oo ay Ku heli karaan xiisadihii ay ku qaadan jireen fasalada, kaasi oo loo diyaariyay qaab casri ah oo loogala soconayo online iyo barta dugsigu u qorsheeyay.

Kaasi oo ay  dhamaan ardayda ku jirta dugsiyada waxbarasho ee Somaliland ay kawada faa,iidaysan karaan  talaabadan ay hirgaliyeen maamulka dugsiga Cigaal ee ardaydu si fudud ku heli layaan casharadii mudada ay fasaxa ku jiraan, kaasi oo ay horseedeen maamulada dugsigani oo juhdi iyo tacab galiyay sidii ay gaabkaasi  waxbarasho ee yimid xanuunka coronavirus awgii  u buuxin lahaayeen.

Dugsiga Cigaal Secondry School Ee gobolka Gabiley ayaa isagu noqday dugsigii uhoreeyay ee somaliland si mutadacnimo ah ardayda fasalka afraad ee dusgiga sare ugu  suurto galiyay habkan  fudud ee ay ku helayaan casharadii oo ay macalimiintoodii si toos ah ubixinayaan iyagoo ku  jira galaaskii kaasi oo si fudud looga helayo  barta youtube ee "Abdiwahab Jama”Ay ka Helayaan Macalinkii oo xiisadii ay Dhiganayeen bixinaya, halkaasina ay kala soconayaa dhamaan Dhamaan xiisadihii ay qaadan jireen Maalin Walba

Hadaba maamulka dugsiga cigaal secondry school ayaa ku guulaystay in ay talaabadani hirgaliyaan  mudo kooban gudaheed taasi oo guul wayn u ah ardayda waxkabarata Dugsiga  iyo guud ahaan Ardayda  dhigooda ah ee fursad uwaayay in ay helaan xiisadihii ay ku qaadan jireen schoolka oo iyaguna si sahlan uga helaya barta youtube iyo baraha bulshada ku kulantoba.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALADA QAARKAMID MACALIMIINTII OO SHARAXAYA XIISADIHII ARDAYDA LOOGU TALO GALAY.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured