Allah ha u naxariisto qoraa, taariikhyahan, Cali Axmed Maxamed oo ku magac dheeraa Cali Sheeko-Xariir oo ku geeriyooday magaalada London.

0
Saturday March 28, 2020 - 22:55:17 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Allah ha u naxariisto qoraa, taariikhyahan, Cali Axmed Maxamed oo ku magac dheeraa Cali Sheeko-Xariir oo ku geeriyooday magaalada London.

    Allah ha u naxariisto qoraa, taariikhyahan, Cali Axmed Maxamed oo ku magac dheeraa Cali Sheeko-Xariir oo ku geeriyooday magaalada London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allah ha u naxariisto qoraa, taariikhyahan, Cali Axmed Maxamed oo ku magac dheeraa Cali Sheeko-Xariir oo ku geeriyooday magaalada London.
Marxuunka ayaa u geeriyooday sabab uu keenay xanuunka Covid-19. Qiyaastii ilaa 5 casho ka hor yaan khadka telefoonka kula xidhiiday isagoo aad u qufacaya, waxaanu ii sheegay in aanu hubin in xanuunkii haleelay iyo in kale.

Marxuunka ayaa ahaa taariikhyahanada Soomaalida ee ku xeel dheer sheekooyinka ka dhexdhaca bulshada ee ku salaysan qisooyin dhab ah. Waxa uu mudo dheer oo ilaa sanadkii 1972-kii soo ururin jiray sheekooyinka taariikh-galka ah ee inta badan ku aroora dhacdooyinkii hab-nololeedkii bulshada ku dhaqan badi deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dhanka Somaliland.


Waxa uu sheekooyinkii uu soo ururiyey sanadihii 1970-dii ilaa iyo dhamaadkii 1980-dii uu ka soo jeedin jiray Radio Muqdisho. Marxuunkua waxa uu barnaamijyo sheekooyinka taariikh-galka aha ka jeediyey, barnaamijyo badan oo ka baxay tv-yo kala duwan, kaaso oo uu ka mid yahay TV- Qananka Somaliland laantiisa London oo aan ku ka wada hawlgalnay, igagana dambeeyey. Halkaas oo kuu ku lahaa barnaamij joogta ah oo lagaga duubay qisooyin taarkhiii ah oo dhacay 150 kii sano ee ugu dambeeyey.

Marxuunka oo aanu xidhiidh joogta ah lahayn waxa uu iisheegay in uu ku hawlanaa buug xambaarsan qisooyin caan ah oo Soomaaliida dad ka caan ah oo uu ka mid yahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo ragii ay iska soo horjeedeen, qisooyin aan lagu qorin buugaata Sayid ka iyo kuwo kale oo badan. 

Intii uu qrubaha ku noolaa ku dhowaad sodon sano, waxa uu ka mid ahaa nabadoonka qurbejooga ee u ololeeyey nabadaynta deegaankii uu ka soo jeeday ee Gobolka Sool.

Mudo dheer oo uu kunoolaa London waxa uu ahaa qof aad u caawiya bulshada, isagoo adeegyada bulsho u baahato xafiis u tilmaama ku lahaa Xaafada Hayes ee Galbeedka London.

Marxuunka waxa uu ku dhashay deegaanka Hawd ee dhaca Gobolka Sool., waxase Allah qadaray in xabaashiishu noqoto London.
Allah ha u naxariisto marxuunka, samir iyo iimaana dhamaan qoyskii, asxaabtii iyo dhamaan qarankii uu ka baxay. XUQUUQDA QORAALKU WAA 

Abdillahi M Ali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured