Warbaahinta Jabuuti oo Sheegtay In 6 Qof oo Laga Shakisanyahay Coronavirus oo kasoo Gudbay Xaadka Somaliland La qabtay...

0
Sunday March 29, 2020 - 22:08:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Jabuuti oo Sheegtay In 6 Qof oo Laga Shakisanyahay Coronavirus oo kasoo Gudbay Xaadka Somaliland La qabtay...

    Warbaahinta Jabuuti oo Sheegtay In 6 Qof oo Laga Shakisanyahay Coronavirus oo kasoo Gudbay Xaadka Somaliland La qabtay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Jabuuti oo Sheegtay In 6 Qof oo Laga Shakisanyahay Coronavirus oo kasoo Gudbay Xaadka Somaliland La qabtay...
CONVID-19 UPDATE - SOMALILAND 
caawa Waxaa warka TV ga Djibouti ku jira war ku saabsan 6 qof oo reer Djibouti ah oo ka soo degay madaarka Hargeisa ka dib markii Djibouti ay xidhay madaarkeeda, kana yimid Ethiopia oo soo raacay Ethiopia Airline ka dibna gaadhi ka raacay Hargeisa una safray Djibouti oo laga helay sadhada Corona Virus. Warkaas oo faahfaahsan kala soco RTD caawa.


Sidoo kale waxa la ii sheegay ama aan ka war qabaa dad wasto lagaga soo daayay goobaha karantiimada ee dawladu ku hayso dadka wadanka soo gelaaya ee looga shakisanyay xanuunka, kuwaas oo ka dib markii laga soo farsamo saaray karantiimada hada si caadi ah u jooga magaalada.

Tani waxay muujinaysaa laba shay:
1. Inaanay dawladu talaabooyin adag ka qaadin ka hortaga Sadhada Corona Virus ka, waxaanan aaminsanahay in Sadhadani joogto Somaliland balse ay laga yaabo inuu maraayo marxaladii incubation ka dhawaana uu si baaxadle u dilaaci doono.

2. Tablabaad waxaa Careless nimo ah in Airport keenu weli furanyahay.
6 da qof ee aan hore u sheegay ee Sadhada laga helay waxay ka yimaadeen Ethiopia waxaanay sii dhex mareen Somaliland Taas oo muujinaysa in dawladu badbaadada dadka ka door biday macaash.

Si aan u fahano halista cudurkan aan fahano statistics ka. 100 kii qof ee uu ku dhaco xanuunkani waxaa dhimanaaya 2.1 percent. Taas oo macnaheedu yahay 300 oo qof oo aad taqaano haduu haleelo waxa geeriyoonaaya 6.3 lix dhibic sadex.

Ku dhufo population ka Somaliland haduu ku wado dhaco safkani oo qiyaas ahaan 3,000,000. 
Ugu yaraan 63,000 (sadex iyo lixdan kun) oo qof baa dhimasho halis u ah.
Sidaa daraadeed in talaabooyin waaweyn oo ka hortag ah la qaado weeye.

Hore waxaan usoo jeediyay in Masaajidada laga eedaamo Lkn aan jamaca lagu gelin. Waxaan kale oo ku talin lahaa in masaajidada loo isticmaalo goobo karantiimo maadaama dawladu aanay dadkaa u hayn meelo ay ku hayaan.
Masaajidada iyo schools kaba.
Yaasin Ismaaciil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured