Guddida Heer Qaran Ee Ka Hortaga iyo u diyaargarawga Xanuunka Dunida Saameeyey Ee COVID 19 Ayaa Kulan La Yeeshay Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland.

0
Monday March 30, 2020 - 14:50:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Heer Qaran Ee Ka Hortaga iyo u diyaargarawga Xanuunka Dunida Saameeyey Ee COVID 19 Ayaa Kulan La Yeeshay Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland.

    Guddida Heer Qaran Ee Ka Hortaga iyo u diyaargarawga Xanuunka Dunida Saameeyey Ee COVID 19 Ayaa Kulan La Yeeshay Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Heer Qaran Ee Ka Hortaga iyo u diyaargarawga Xanuunka Dunida Saameeyey Ee COVID 19 Ayaa Kulan La Yeeshay Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland.
Hargeysa-30-03-2020-(Xogreebnews)Gudidii heer qaran ee ka hortaga  iyo u diyaargarowga xanuunka COVID 19 oo uu Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Gudoomiye u yahay ayaa maanta Kulan balaadhan Saxaafada Madaxa banaan kula qaadatay Gudaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta, kulankan ayaa ahaa mid ay isku waraysanayeen masuuliyiinta gudidaasi iyo Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland. 


Masuuliyiinta Gudidaasi oo halkaasi ka hadashay ayaa ayaa saxaafada madaxabanaan kala hadlay qaabka iyo sida loo faafinaayo Wararka la xidhiidha Xanuunka dunida saameeyey ee Carona Virus, waxaanay madaxdu sheegtay in wakhtigan lagu jirto xaalad deg deg ah loona baahan yahay in Saxaafadu ay aad uga fiirsadaan wararka la xidhiidha xaaladahaasi.

Gudoomiyaha guddida ahna Madaxweyne  Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn cid rasmiya oo la xaqiijiyey inuu hayo ducurkaasi, balse ay jiraan dad karatiimaynsan oo Wasaaradda Caafimaadku ku hawlan tahay baadhitdaankooda, sidoo kalena Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay inay jiraan dad  kasoo jeeda Gobolada Putland oo kasoo degay Garoomada Somaliland kuwaasi oo iyagana la karantiimeeyey haddana ay ku wareejin doonaan maamulkooda.

Dhanka kalena guddida ayaa qalab isugu jira Taangiyada Faraxalka iyo Saabuun kala wareegay Wasaaradda Horumarinta Khyeraadka Biyaha, waxaanay gudidu fariin caafimaad si wada jir ah ugu direen guud ahaanba Bulshada Somaliland oo ay ugu baaqeen inay joojiyaan isu imaatinka islamarkaana ay ku sugnaadaan guryahooda.
Wa bilaahi tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured