Dhaqaale-yahan Jamaal Cali Xuseen oo Cilmiga Dhaqaalaha Faallo Kooban Kaga Hadlay Cafinta Daynta Somaliya. "Inyaroo Deyntii dhawaan Somalia laga cafiyey".

0
Tuesday March 31, 2020 - 21:07:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaale-yahan Jamaal Cali Xuseen oo Cilmiga Dhaqaalaha Faallo Kooban Kaga Hadlay Cafinta Daynta Somaliya. "Inyaroo Deyntii dhawaan Somalia laga cafiyey".

    Dhaqaale-yahan Jamaal Cali Xuseen oo Cilmiga Dhaqaalaha Faallo Kooban Kaga Hadlay Cafinta Daynta Somaliya. "Inyaroo Deyntii dhawaan Somalia laga cafiyey".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaale-yahan Jamaal Cali Xuseen oo Cilmiga Dhaqaalaha Faallo Kooban Kaga Hadlay Cafinta Daynta Somaliya. "Inyaroo Deyntii dhawaan Somalia laga cafiyey".
"..Dhawaan kolkii laga cafiyey deynta wadanka Somalia waxaan u arkaayey in ay tahay arrin wanaagsan oo ay tahay in la soo dhaweeyo. Weliba ay tahay in laga sii digo haddii aan deyn kale oo aan fiicneyn dadka mar kale qoorta loo gelineynin. Dadkii arrinkaasi hawsheeda lahaa in lagu hanbalyeeyo ayeey tahay. Sanadkii 2009 kii oo imika 11 sanadood laga joogo ayaan kala talinaayey wadanka Ivory Coast in deyntii lagu lahaa laga saamaxo taasoo runtii ahayd deyn aad u balaadhan oo balaayiin doolar ahayd. Xilligaasi anigoo matelaayey Bangigii aan masuulka ka ahaa ee CEO of Citibank ee waddanka Ivory Coast waxaan la taliye dhow u ahaa Wasiirkii Maaliyadda iyo Madaxweynaha dalkaasi si deyntaasi looga cafiyo. Haddaba dayntan la saamaxay waa maxay? ma mid u gaar ah baa Soomaalida mise waa mid waddamadda kalena laga cafiyo? anigoo soo koobaya; deyntaa waxa laga cafiyaa kolba waddanka faqiirka ah ee ay amaahda lagu leeyahay aad u badato oo magaceeda waxa la yidhaa HIPC (heavily indebted Poor Countries) waxaana maamusha Bangiga adduunka iyo hay'adda lacagta adduunka ee IMF. Soomaaliya waxaa lagu lahaa lacag kor u dhaaftay $5.2 billion doolar waxaana ku lahaa ilaa 20 dal iyo bangiyo caalami ah. Dulsaarka (interest) lacagtaasi ayaa ahaa in ka badan boqokiiba konton inta guud ee lagu lahaa Soomaalida. Lacagtaa badankeeda hub baa lagu qaatay berigii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Wadamadda iyo hay'adaha lacagta Soomaalidda ku lahaa waxay badankoodu ka wada tirsan yihiin naadiga Paris Club. Kolay dhowr sanadood ka hor ilaa 2015 ilaa 2016kii ayeey Soomaalidu shuruudihii dawladaha dayntu rigaadisay buuxiyeen laakiin wakhti bay soo qaadatay oo dad badan baa ka soo shaqeeyey arrinkani. Shuruudaha waxa inta badan soo gala in deymaha qaar yaryar ay bixiyaan Soomaalidu, taasina (bridge loan) ama deyn ku meel gaar ah ayeey heleen si deynta weyn looga saamaxo. Kolay imtixaan hor leh ayaa la bilaabi doonaa oo lagu eegayo sida shuruudihii loo buuxinayo 3da sanadood ee soo socda. Kama danbeynta waxaa soo hadhi doonta $557 million la rabo in ay Soomaalidu iska bixiso. Haddaba waxaan arkaayey iyadoo baaq shir saxaafadeed looga dirayo warbaahinta dhinaca Somaliland oo deyntaa la saamaxay ku saabsan. Aniga waxay ila tahay in ay arrimahaasi si toosa ugala xaajoodaan dawladda Soomaaliya iyo Bangiga adduunka si kaalintoodda uga ciyaaraan oo daymaha magacoodda lagu soo qaadayo ama lagu bixinayo ay kaalin ku lahaadaan.  Arrimo la dhayalsan karo maaha runti. Guud ahaan Ilaahay kheyr ha ka dhigo". Ayuu kusoo kooban Jamaal cali Xuseen qoraalkiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured