Kooxda Caafimaadka Dekeda Berbera oo Maraakiibta iyo Doonyaha Shaqaalaha saaran Baadhitaano caafimaad oo Joogto ah ku Sameeya, Kuna Dul-Karantimeeya Gaadiidkooda Bada...

0
Wednesday April 01, 2020 - 17:18:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Caafimaadka Dekeda Berbera oo Maraakiibta iyo Doonyaha Shaqaalaha saaran Baadhitaano caafimaad oo Joogto ah ku Sameeya, Kuna Dul-Karantimeeya Gaadiidkooda Bada...

    Kooxda Caafimaadka Dekeda Berbera oo Maraakiibta iyo Doonyaha Shaqaalaha saaran Baadhitaano caafimaad oo Joogto ah ku Sameeya, Kuna Dul-Karantimeeya Gaadiidkooda Bada...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Caafimaadka Dekeda Berbera oo Maraakiibta iyo Doonyaha Shaqaalaha saaran Baadhitaano caafimaad oo Joogto ah ku Sameeya, Kuna Dul-Karantimeeya Gaadiidkooda Bada...
Berbera(Xogreebnews)-Kooxda Caafimaadka ee ay diyaariyeen Maamulka Dekeda Berbera, ayaa labadii todobaad ee u dambeeyey ku jiray heegan culus, isla markaana hawlgalo baadhis Caafimaada habeen iyo maalin-leh ah ka fuliyanaayey marsada Caalamiga ah ee Berbera.
Hawlwadeena caafimaadka ee Dekeda Berbera ayaa Shaqaalaha la socda Maraakiibta iyo gaadiidka kale ee Badda kaga hortagaya meel ka fog Dekeda, kuwasoo ka-xaysanaya Doon Maamulka dekedu ugu talo-galay inay raacan hawladeenada Caafimaadka ee Dekeda, isla markaana baadhis caafimaad ku soo sameeya Shaqaalaha saaran Doonta ama Markabka.
Hubin iyo baadhis caafimaad kadib, ayey hawlwadeenadu caafimaadka ogolaadan in Markabku ama Doonidu kusoo xidhato Haabada  Dekeda Berbera, waxaana halkaa kaga horyimaada Bayloodada iyo Taaga soo xidha Maraakiibta, oo marka ay xaqiijiyaan Dhugmantiyadooda soo xidha.
Waxanay shaqaalaha saaran Maraakiibta iyo doonyahaba lagu amraa inaanay usoo daadegin dhulka, Isla markaana lagu karintimeeya qayb kamid Markabkooda ama doonidooda, ilaayo Rarka laga dejinaayo ama la Saaraya u ka dhamaanayo' sidaasna uu ku ba'xaayo. Sida idinka muuqata sawiirada waa baadhista iyo hawlgalada Caafimaad ee kooxda Dekeda Berbera ka fulinayso Markab dhexdii, waana shaqo joogto ah.
Sidoo kale, tan iyo intii uu dilaacay Xanuunka Coronaviruska, Kooxda Caafimaadka ee Dekeda Berbera, uma ogolaadan hawladeenada Maraakiibta iyo doonyaha inay usoo degaan dhulka, sidii markii hore dhici jirtay, isla markaana kasoo adeegtan suuqa Berbera, waxana lagu dul-karantimeeya Markabkooda ama doonida ay wataan.
Hawlgalada Caafimaadka ee lagu fulinayo shaqaalaha Maraakiibta iyo doonyaha kusoo xidhanaya Dekeda Berbera, waxay qayb ka yihiin dedaalada Xukuumada Somaliland kaga hortagayso  Xanuunka Coronaviruska oo si dhakhso ah u faafa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured