Madaxweyne Amray In Toogasho Lagu Dilo Qofkii Diida Xayiraadda Coronavirus...

0
Saturday April 04, 2020 - 17:20:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Amray In Toogasho Lagu Dilo Qofkii Diida Xayiraadda Coronavirus...

    Madaxweyne Amray In Toogasho Lagu Dilo Qofkii Diida Xayiraadda Coronavirus...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Amray In Toogasho Lagu Dilo Qofkii Diida Xayiraadda Coronavirus... Madaxwetnaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte, ayaa ka digay in laga dhaga adeygo amarka ay dowladdu xayiraadda ugu soo rogtay waddankiisa, si looga hortago faafitaanka caabuqa coronavirus, isagoo sheegay ku xadgudba amarkaas toogasho lagu dili doono.Waxa uu sidoo kale hanjabaad culus u jeediyay dadka tacaddiyada u geysta shaqaalaha caafimaadka, kuwaasoo uu sheegay inay galayaan dambi aad u culus oo aan loo sii dul qaadan doonin.xx
Khudbad telefishinnada laga sii daayay ayuu Duterte ku sheegay inay muhiim tahay in qof walba uu u hoggaansamo amarka karantiilka ah ee lasoo rogay, xilli dowladdu ay isku dayeyso inay yareyso dadka uu ku dhacayo coronavirus si aan loo buux dhaafinin xarumaha caafimaadka ee tabarta yar.
Dalka Philippines ayaa soo tabiyay 96 dhimasho oo ka dhalatay coronavirus, halka tirada dadka uu ku dhacay cudurka ee waddankaasna lagu sheegay 2,311 qof.
Hase yeeshee waxaa dalkaas laga xaqiijiyay 3 kiis muddadii saddexda isbuuc ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda, xilli hadda lagu soo warramayo in uu cudurkan boqollaal qof ku dhacayo maalin walba.
"Xaaladdu way kasii dareysaa. Marka waxaan mar labaad idiin sheegayaa inaad si dhab ah u fahantaan dhibaatada oo aad wax maqashaan,” ayuu yiri Duterte oo hadlayay galinkii dmabe ee maalintii Arbacada.
"Farriinta aan booliska iyo milatariga u dirayana waxay tahay … haddii ay dadku dhib keenaan, oo idinla dagaallamaan, naftiinnana khatar galiyaan, toogasho ku dila.”
"Hadalkaas ma la fahmay? Waad dhimaneysaan. Intii aad dhibaato keeni lahaydeen, Aniga ayaa idin aasaya
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii warbaahinta qaar laga sheegay in Arbacadii la xir xiray dad ku mudaharaadayay xaafadaha saboolka dagaan, kuwaasoo ka cabanayay inuusan ku filneyn raashinka ay dowladdu ugu deeqdo.
Wuxuu sidoo kale kuwoo aaday caro kasoo yeertay shaqaalaha caafimaadka oo ka dhiidhiyay tacaddiyo loogu geystay isbitaallada iyo cunsuriyad iyo sidoo kale jirdil ay kala kulmeen qaar ka mid ah shacabka.
Mr Duterte ayaa sheegay in loo baahan yahay in waxyaabahaas oo dhan ay joogsadaan.
Dadka xuquuqda rayidka u dooda ee waddankaas ayaa si weyn uga soo horjeestay habka uu madaxweynaha u wajahayo arrintan, iyagoo ku eedeeyay inuu horseedayo qalalaase horleh, uuna doonayo inuu geysto kuwo la mid ah xadgudubyadii uu ku kacay markii uu dagaalka kula jiray daroogada.
Xilligaas waxaa la sheegay in booliska iyo rag hubeysan oo aan la garaneynin ay toogasho ku dileen kumannaan qof oo lagu eedeeyay inay daroogo isticmaalayeen ama iibinayeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured