DHAQAN KU CUSUB MASUULIYIINTA SAAXIL/BERBERA & GUUD AHAAN DALKABA.W/Q. Abdikalik Abdilahi Mohamed (Awalbari)

0
Monday April 06, 2020 - 22:04:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAQAN KU CUSUB MASUULIYIINTA SAAXIL/BERBERA & GUUD AHAAN DALKABA.W/Q. Abdikalik Abdilahi Mohamed (Awalbari)

    DHAQAN KU CUSUB MASUULIYIINTA SAAXIL/BERBERA & GUUD AHAAN DALKABA.W/Q. Abdikalik Abdilahi Mohamed (Awalbari)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DHAQAN KU CUSUB MASUULIYIINTA SAAXIL/BERBERA & GUUD AHAAN DALKABA.W/Q. Abdikalik Abdilahi Mohamed (Awalbari)
Maareeyaha Wakaalada Haamaha Shidaalka Berbera Mr Hassan Ahmed Ibrahim (Embassy) Wuxuu Kamid Yahay Masuuliyiinta Gobolka Saaxil Balse Weli Lama Arag Isagoo Dhex Maraaya Saaxil/Berbera Lagumana Arko Kulamada Madaxda Gobolku Isugu Yimaadaan.
Weli May Dhicin Masuul Xil Mihiim Ah Kahaya Gobolkan Ama Gobolada Kale Oo Leh Dhaqanka Noocan Ah Waana Su,aal Ay Is Waydiinayaan Bulshada Reer Saaxil Masuul Magaalada Ka Howlgala Oo Hadana Aan Lagu Arag Weli Isagoo Shaah Meel Kacabaya Ama Hudheel Jooga Ama Lama Arko.
Wuxuu Inta Badan Joogaa Magaalada Hargeysa Waxaana Ushaqeeya Baabuur Cusub Oo Ay Ka Mid Yihiin 2-Xaajiyadood Oo Wakaali Ah Kuwaasaana Wixii Documents Ah Ugu Geeya Gurigiisa Hargeysa.
Mid Ka Mida Shaqaalaha Haamaha Weliba Kuwa Ugu Dhow Maareeye Embassy Ayaa Iisheegay Inay Ugu Geeyaan Waraaqaha Uu Saxeexayo Hargeysa Isla Markaana Ay Qaadaan Lacagta Haamaha Iyadoo Aan Lamarin Bank ka & Xawaaladaha Kale Toona Balse Toos Loo Qaado Lacagta Oo Dollar Ah Laguna Sii Hubiyo Mashiinka Money Checking ka Ee Yaala Haamaha 
Waa Masuul Sida Lasheegay Toos Ugu Xidhan Madaxtooyada Isla Markaana Aan Cidna Wax Iskaga Tirinayn Mana Aha Nin Daneeya Arimaha Gobolka Uu Joogo Ma Yimaado Munaasibadaha Qaran Sida 18-May & Munaasibadaha Kale Sidoo Kale Kharashka Munaasibadaha Kama Qayb Qaato Waana Nin Meel Adag Ku Tiirsan.
Sidaas Marka Ay Tahay Waxaynu Odhan Karaa Maaha Keligii Raga Sidan Ahi Waxaana Jirta In Maamulka Sare Ee Dalku Kala Fadileen Masuuliyiinta Dalka Isla Markaana Ay Jiraan Rag Si Gaara Loo Illaashado Weliba Raga Jooga Goobaha Dakhliga Sida Ninkan Oo Kale 
Ugu Dambayn Waxaan Leeyahay Ama Usoo Jeedinayaa Madaxwaynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi Hoos U Eeg Arimaha Noocan Ah Waxaanan Dareemayaa Inay Jiraan Rag Hoose Oo Ku Shaqaysta Magacaaga & Sharaftaada Oo Qarankana Aan U Ahayn Dan Mudane Arimahaas Wax Ka Qabo Ilaahay Hakugu Asturo Ayaanu Kuleenahay.
Wabilaahi Towfiiq 
Abdikalik Abdilahi Mohamed (Awalbari)
Jamhuuriyada Somaliland Hada Berbera 
Telephone:+252-65-4448705
Email: abdi70526@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured