Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadlay Wada-hadalada Ma Dhalayska ah ee Somaliland Iyo Somaliya, "Shan jeer Oo hore wixii lagu Heshiiyey Maanta faro madhan laga joogo".

0
Tuesday April 07, 2020 - 04:42:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadlay Wada-hadalada Ma Dhalayska ah ee Somaliland Iyo Somaliya, "Shan jeer Oo hore wixii lagu Heshiiyey Maanta faro madhan laga joogo".

    Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadlay Wada-hadalada Ma Dhalayska ah ee Somaliland Iyo Somaliya, "Shan jeer Oo hore wixii lagu Heshiiyey Maanta faro madhan laga joogo".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadlay Wada-hadalada Ma Dhalayska ah ee Somaliland Iyo Somaliya, "Shan jeer Oo hore wixii lagu Heshiiyey Maanta faro madhan laga joogo".
"Beryahan danbe waxaad moodaa in dadkii lagu mashquuliyey wadahadaladda Somalia iyo Somaliland. Waxaaba runtii lays weydiin karaa maxaaba laysu lurayaa kolay meel laga gaadhi maayo xilligane maadaama Shan jeer Oo hore wixii lagu heshiiyey maanta faro madhan laga joogo. Madaxda dawladda Soomaaliya kuma dhacaan in ay yidhaahdaan "waxaanu u ogolaanay inay Somaliland noqoto dal naga madax banaan." Madaxda dawladda Somaliland iyaguna sidoo kale kuma dhacaan in ay yidhaahdan " mar kale ayeeynu la midoobaynaa Somalia".  Haddaba iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana aniga iyo dad kaleba aanu dareensan nahay in xataa labadda dhinac xagga madaxda sare aanu midna ka hawl gelin Oo daacad ka ahayn Wuxuu shicibkoodu doonayo. Madaxda Soomaaliya midnimadda ay doonayaan Ma laha ficilkeedii oo inay dhab ka tahay shaki badan baa ku  duugan sidii ay soo jiidasho u sameyn lahaayeen kama muuqato iyo tanaasul toona. Sidoo kale madaxda Somaliland ictiraafku maaha mid dhaafsiisan qudbadaha iyo heesaha waddaniga ah. Ficilkii iyo doonistii in ay noqdaan dawlad la ictiraafsan yahay Ma yaalo meesha waxaadna moodaa in dib loo sii socdo oo wanaagii la sameeyaba hadaba dib laga masaxayo. Laakiin mid uun baan ogsoonahay labadda shiciba way ku dheganaanayaan Waxay haystaan oo shicibka Somalia arrinkoodu waa midnimo, shicibka Somaliland arrinkoodu waa in ay noqdaan dal ictiraaf hela oo gooni u madax banaan. Hadda waa kolka aan ka hadlo dadka inta badan ama majorityga shicibka maadama dadka qaar ay aaminsanaan karaan fikirkan mid ka soo horjeeda. Haddaba shicibka nasiib u yeesha mustaqbalka dhow in ay helaan madax nolol u sameysa oo caafimaad, waxbarasho, shaqo, nabadgelyo iyo horumar u horseeda ayuunbaa aakhirka u dhow in ay gaadhaan yoolkooda. Waxaadna moodaa in wadahadalka dadka lagu mashquulinayo ay tahay wax kale Oo loo hayo Oo horumar ah ayaan jirin. Labadda dhinacba hawlo waaweyn Oo gudahooda ah ayaa horyaala. Ilaahay dadka ha ka badbaadiyo cudurkan imika socda.
Jamaal cali Xuseen 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured