Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde Maxaa uuga uray Maayerada Berbera, Hargaysa iyo Gabilay?

0
Saturday April 10, 2021 - 22:45:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde Maxaa uuga uray Maayerada Berbera, Hargaysa iyo Gabilay?

    Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde Maxaa uuga uray Maayerada Berbera, Hargaysa iyo Gabilay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde Maxaa uuga uray Maayerada Berbera, Hargaysa iyo Gabilay?
"Waad ogtihiin dhaawicii ay inoo gaysteen doorashadii 2017 maayarada Gabilay, Hargaysa iyo Berbara. Taana waa in aynu ka taxadirno oo aynu 6-daa magaalo ee "A” da ah maayaro ka noqono” Cabdilqaadir Jirde ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay munaasabad xisbiga WADANI qabsaday ka dhex jidhi.
Fariinta uu Cabdilqaadir Jirde dirayaa waa maxay?
Si ad u fahano ujeedada Cabdilqaadir Jirde ka leyahay weedhaasi, waxa muhiim ah in an wax ka ogaano taariikhdiisa:
Cabdilqaadir Jirde waxa uu ka soo jeedaa qoys magac ku leh Soomaaliland. Waxa dhalay Jirde AW Cali (AHUN) oo ahaa sarkaal bilays ah oo can ahaa. Waxa ay Cabdilqaadir walaalo ahaayeen weriyihii caanka ahaa ee Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde (AHUN). Cabdilqaadir laftiisu waxa uu ahaa arday wanaagsan oo tacliinta aad uugu fiican.
Waxase Cabdilqaadir aad ugaga duwanyahay xubnaha kale ee qoyskiisa, waa nin gooni socod ah. Saaxiibka keli ah ee uu lahaa waa Muuse Cabdi Cilmi (AHUN) oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargaysa. Muuse waxa uu ahaa nin furfuran oo ay mar walba bulshadu ku hareereysantahay oo qayb wayn ka qaatay kor u qaadista suugaanta iyo masrixiyadda Soomaalida. Muuse waxa ay saaxiibo ahaayeen abwaanada ay ka midyihiin Siciid Saalax iyo Gaariye (AHUN). Balse Cabdilqaadir waxa uu ahaa iminkana yahay nin gooni u nool, gooni u socda cid kalena aan ku xidhnanyn. Cabdilqaadir waa nin aan saaxiibbo badan lahayn, kana dhexmuuqan dhaqanka iyo suugaanta iyo bulshada guud ahaanba.
Sannadkii 1977 markii ay Soomaaliya iyo Midawgii Soofiyati ay xidhiidhka kala goosteen, dhamaan ardaydii Soomaaliyeed ee midowga Soofiyati wax ku baranayay dib ayaa loo soo celiyay. Balse Cabdilqaadir oo xilligaasi ahaa sarkaal ka tirsan Hoggaanka Sancada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xilligaasi wax ka baranayay Ruushka muu soo noqon ee halkaasi ayuu ku hadhay. 
Wakhti danbe ayuu Cabdilqaadir dib uugu soo noqday dalka. Sannadihii sideetamaadkii markii xukuumaddii Siyaad Barre ay burburinta ku wadday Soomaaliland, Cabdilqaadir waxa uu tegey Muqdisho isaga oo ahaa sarkaal ka hawlgala qaybta miinada ee Ciidankii Soomaaliya, arintaasi oo fajiciso ku noqotay bulshadii. Xilligaasi, Siyaad Barre waxa uu Soomaaliland ku aasay miino lagu qiyaasay 5 malyuun oo xabbo. 1991 markii ay dhacday xukuumaddii uu ka talinayay Siyaad Barre, Cabdilqaadir waxa uu la qaxay oo uu la socday illaa magaalada Buurdhuubo. Sida la sheegay, Cabdilqaadir waxa soo gaadhay dhaawac fudud xilligaasi. 
Cabdilqaadir waxa uu soomaaliland ku soo noqday horaantii sagaashanaadkii. Cabdilqaadir isaga oo ka faa’iidaysanaya aqoontii madaxwayne Cigaal u lahaa qoyskooda, waxa uu galaangalaystay xidhiidhna la samaystay Cigaal. Cabdilqaadir oo ay dhibaato wayn ku haysay gushii SNM, waxa uu bilaabay in uu kala fogeeyo Madaxwayne Cigaal iyo mujaahid Dayib Guray oo ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo mujaahid Quulle Aden oo ahaa Wasiirka Boosaha. In kasta oo ay Madaxwayne Cigaal iyo Dayaib Guray ahaayeen habarwadaag iyo sheeko wadaagba, waxa uu Cabdilqaadir abuuray koox oo madaxwayne Cigaal ka dhaadhicisa in labadaasi wasiir uu iska beddelo. Muddo yar ka dib, labadii wasiir xukuumaddii way ka baxeen, Cabdilqaadirna waxa uu noqday ninka Cigaal uugu dhow, isaga oo laga daray guddigii diyaarinayay Distoorka Qaranka, ka dibna guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayuu ahaa muddo dheer. 
Markii la soo sheegay geeridii Madaxwayne Cigaal oo ku dhintay dalka Afrikada Koonfureed, Cabdilqaadir waxa uu bilaabay olole ah in cidda hoggaanka dalka loo dhiibayo aan distoorka loo raacin. Taasi waxa ay keentay in la jabiyo distoorka qodobkiisa 130 oo qeexaya waxa la yeelayo haddii madaxwaynaha ama madaxwayne ku xigeenka geeri ku timaaddo.
Muddooyinkii danbe, Cabdilqaadir waxa uu ku beeray xisbiga Waddani. Waxa markii danbe loo magacaabay Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee Xisbigaasi. Waxa ay su’aashu tahay, muxuu noqonayaa xilka guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ihi marka uu joogo guddoomiyhii rasmiga ahaa. Waxa ay dadka qaarkii sheegaan in Cabdilqaadir aanu shakhsiyan rabin in uu hoggaamiye ka noqdo dalka amase xisbigiisa, balse uu taasi ka jecelyahay in uu siyasado hoose iyo in uu dadka kale ee damaca leh booska ka buuxiyo.
Waxa lawada ogyahay in Maayarka Berbera oo magaaladaasi houmar badan gaadhsiiyey. Waxa uu kor u qaaday bilicdii magaalada, waxa uu dhisay jidadkii magaalad, waxa uu dhisay guryo la dejiyay dadka danyarta ah. Magaaladdii Berbera waxa ka muuqdaa isbeddel aad u wayn oo la sameeyay muddooyinkii danbe.


Gabilay waa magaalo aanay soo gelin dakhli badan. Waa magaalo aan lahayn bad iyo dekedtoona. Sidaasi oo ay tahay, Mayarka dhalinta yar ee Gabilay waxa uu magaaladaasi gaadhsiiyay horumar la taabankaro. Waxa horumarkaasi ka markhaatifuray Alla ha u naxariistee Cali Khaliif Galaydh.
Hargaysi waa caasimaddii dalka waana magaalo aad u wayn oo ay ku noolyihiin dad ka badan hal milyan oo qof. Waa dhab in dhaliilo badan loo soo jeediyo waxqabadka dawladda Hoose ee Hargaysa. Dhaliishaasina waa mid la garan karo marka loo eego baaxadda caasimadda. Sidaasooy tahay, Maayarka iyo dawladda Hoose ee Hargaysa wax badan ayay magaalada ka qabteen. Waxa aan wax loo dhigaa jirin, nabadda ka jirta caasimadda ay ku wada noolyihiin busho malyuun ka badan oo gobol kasta oo dalka ah ka soo jedda iyo ajinabiba.
Haddaba, waxa faham u baahan hadalka Cabdilqaadir jirde ee ah "waxa an ka jabnay maayarada Berbera, Hargaysa iyo Burco”. 
1.Cabdilqaadir ma waxa uu doonayay in aan saddexdaasi magaalo horumar laga samayn?
2.Mise, waxa uu u jeedaa saddexdan magaalo dib u dhac ayaa ku yimid oo magaalooyinka kale ayaa ka wanaagsan?
3.Maxay noqon kartaa waxa ka dhexeeya saddexdaasi magaalo ee Cabdilqaadir dhaliishiisa uuga simay?
Waxa iswaydiin leh, halka uu Cabdilqaadir wax ka uriyay! Tay doonto ha noqotee, Cabdilqaadir waxbuu uuga jeeday hadalkiisa, balse ilaa hadda muu caddayn. Dadka badankiisu Cabdilqaadir kama filayaan in uu qabyaalad ku dhaqmo. Balse, dad ayaa iyana Cabdilqaadir jilgur qabyaaladeed ku dhaliila. Cabdilqaadir waa nin dhowr shakhsiyadood iskugu jira. Way adagtahay in la fahmo mawqifkiisa. Waxa uu inta badan istaagaa mawqif aan caddayn oo waxa uu diidanyahay aan si fiican u muujin.
By: DHALINYARADA MAGAALADA BERBERA, Hargeysa Iyo Gabilay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured