Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Musharax Xildhibaan ka Tirsan Ucid...

0
Thursday April 29, 2021 - 03:56:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Musharax Xildhibaan ka Tirsan Ucid...

    Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Musharax Xildhibaan ka Tirsan Ucid...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Musharax Xildhibaan ka Tirsan Ucid...

Hargeysa(Xogreebnews)-Ciidanka booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga utaxaabay musharax cabdiraxmaan Yuusuf cali oo kamid ah musharixiinta Xisbiga Ucid uga sharaxan golaha deegaanka caasimada Hargaysa.

Xadhiga Musharaxan katirsan xisbiga   ayaa ku soo beegmaysa xili ay maanta war qoraal ah oo Ciidamada Booliska Booliska soo saareen oo ay ku sheegeen in ay ku dabo jiraan Musharaxiin u sharaxan Doorashooyinka oo ay qaarkood sheegeen magacyadooda


Sidoo kale xadhiga ay caawa xukuumadu kula kacday musharaxan ka sharaxan golaha deegaanka ee degmada hargaysa ayaa xadhigiisu ka hor imanayaa qoraal ay dhawaan komishanka doorashooyinka kazoo saareen xadhiga musharixiinta oo ay laamaha amaanka ku wargalinyeen in aan la xidhi Karin oo ay xasaanad leeyihiin musharixiinta kusoo baxay liiska ay komishanku shaaciyeen.

Dhanka kale  xadhiga musharaxan cabdiraxmaan yuusuf cali ayaa noqonaya musharixii 6lixaad ee xukuumadu xabsiga utaxaabto iyagoo laba musharax oo xisbiga ucid ka tirsan ku kala xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa iyo xarunta danbi baadhista halka musharixiintii hore ee xisbiga ucid ay xukuumadu ku qasab tahay in ka tanaasulaan hankoodii musharaxnimo

Maanta ayay ahayd markii masuuliyiinta xisbiga ucid uga wakiilka ah la shaqaynta komishanka ay xadhiga musharxiinta xisbigooda ay si kulul uga hadleen iyagoo sheegan in xisbiga kulmiye weerar qaawan ku hayo musharixinta xisbiga ucid ka sharaxan.

Talaabada ay ciidamada boolisku caawa ku xidheen musharaxan ayaa noqonaysa mid kale oo caqabad ku noqonaysa hanaanka iyo habsami usocodka doorashooyinka Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured