Gudoomiyaha Haayada Tayada iyo Ku xigeenkiisa oo Feedh Iskala Daalay, Kadib Khilaaf Mudo Soo Jiitamaayey...

0
Sunday May 02, 2021 - 22:39:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Haayada Tayada iyo Ku xigeenkiisa oo Feedh Iskala Daalay, Kadib Khilaaf Mudo Soo Jiitamaayey...

    Gudoomiyaha Haayada Tayada iyo Ku xigeenkiisa oo Feedh Iskala Daalay, Kadib Khilaaf Mudo Soo Jiitamaayey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Haayada Tayada iyo Ku xigeenkiisa oo Feedh Iskala Daalay, Kadib Khilaaf Mudo Soo Jiitamaayey...
Hargeysa(Xogreebnews)- Dagaal Gacanka hadal ah, ayaa Xarunta Haayada Tayada Somaliland Somaliland dhexmaray Gudoomiyaha Guddida Tayada Muuse Xasan Yuusuf iyo Gudoomiye ku xigeenka guddidaas Cabdiwasac Yuusuf oo Khilaaf mudo soo jiitamaayey hada Sababay inay Ku feedh-tamaan Xarunta Haayada.
Sida ilo wareedyo u dhuun-daloola u sheegeen Shabakada Xogreebnews Gudoomiyaha Haayada Tayada, ayaa dhamaan Shaqadii xafiisyada isku koobay, waxanu Shaqadii ka karantimeeyey Gudoomiye ku xigeenka, iyadoo xataa Gudoomiyihuu xafiiskiisi ka qufulay Gudoomiye ku xigeenka.
Gudoomiyaha Haayada Tayada, oo mansabka dawladnimo ku yimi, Madaxweynihii hore ee Somaliland oo sodog u ah, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi xeerin uu u hayey xilka ugu dhiibay Gudoomiye Muuse Xasan Yuusuf.
Hase-yeeshee mudooyinkii u dambeeyey waxa uu masuulkani u xuubsiibtay inuu inqilaabo dhamaan Shaqadii Gudoomiye ku xigeenka, wallow ay gaabis noqotay Shaqadii Hayada, Kadib markii Khilaaf ragaadiyey.
Gudoomiye Gudoomiye ku xigeenka Haayada Tayada oo isaggu mudo dibad-wareeg ka ahaa Xafiiskiisa, ayaa saaka tagay, kadibna xal nabadeed ka Dalbaday Gudoomiyaha, hase-yeeshee Gudoomiyaha ayaa uga dhaartay inuu fooda geliyo xafiiskiisa, waxa halkaa ka dhacay is afgaraan waa Sababay inay labada masuul ku feedh tamaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured