QADIYADA GOONI ISU-TAAGA JSL WAA MID HALGAN DHEER LOO SOO MARAY ,MANA AHA MID DHALANTEED IYO JIBO KU TIMID SIDII MIDOWGII 1960-KII. Qallinkii :- C/risaaq Abshir

0
Thursday May 20, 2021 - 16:24:21 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QADIYADA GOONI ISU-TAAGA JSL WAA MID HALGAN DHEER LOO SOO MARAY ,MANA AHA MID DHALANTEED IYO JIBO KU TIMID SIDII MIDOWGII 1960-KII. Qallinkii :- C/risaaq Abshir

    QADIYADA GOONI ISU-TAAGA JSL WAA MID HALGAN DHEER LOO SOO MARAY ,MANA AHA MID DHALANTEED IYO JIBO KU TIMID SIDII MIDOWGII 1960-KII. Qallinkii :- C/risaaq Abshir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QADIYADA GOONI ISU-TAAGA JSL WAA MID HALGAN DHEER LOO SOO MARAY ,MANA AHA MID DHALANTEED IYO JIBO KU TIMID SIDII MIDOWGII 1960-KII. Qallinkii :- C/risaaq Abshir
In badan oo kamida Siyaasiyiinta Soomaaliya iyo Shakhsiyaad reer Somaliland ah oo dano Siyaasadeed oo kale leh ayaa ku andacooda , in Maalinta gooni isu-taaga qaranimada JSL ee 18-ka May ay tahay wax cid ama beel gaar ahi leedahay oo aanay ahayn maalin qaranimo ugu suntan dhammaan shacabka Somaliland min daraf ilaa daraf iyagoo uga jeeda kala qaybinta Shacabka walaalaha ah ee Somaliland .
Balse kuwaasi waxay hilmaansan yihiin in Maalinta gooni Isu-taaga ama lasoo noqoshada Madax-banaanida JSL ee 18-ka may ay tahay mid aan ku iman hawl yari dabadana aanay ka riixayn caadifad  iyo jibo sidii midnimadii lagu hungoobay 1-july 1960-kii ee bilaa shuruuda lagu galay iyadoo jibada reer Somaliland midnimada ku kaliftay ay ahayd ; In la baadi doono Shanta Soomaaliyeed oo lagu mideeyo hal dal ,baadi-doonka Midnimada Shanta Soomaaliyeed awgeed ayay Reer Somaliland bilaa shuruud ugaleen midnimadii lagu hungoobay si ay ugu horseedaan midnimada walaalahoodii kale oo ku jirey gacanta shisheeyaha waxaana aynu ka dheragsanahay wixii loogu abaal-gudey Somaliland oo ka bilowday saluugii dhacay 1960-kii .
• Markii la gaadhay 1 julaay ee sannadkii 1960-kii ayuu raysal wasaarihii Somaliland Maxamed Ihrahim Cigaal iyo wefti uu hogaamminayo u kicitimeen Muqdisho si ay uga qayb galaan dabaal-degga iyo xafladaha ka dhacayay muqdisho .
Waftigan waxa la socday afartii wasiir ee Somaliland ,ururadii Siyaasadda iyo cuqaal,markii uu dhamaaday xuskii iyo  dabaal-degii waxa loo soo jeestay dhismihii dawladda.
• Dhismihii dawladdii Somaliland iyo Soomaaliya ka koobnayd ,
Ka hor intii aan lagu dhawaaqin dawlada iyo Raysal wasaaraha,ayaa laga codsaday labadii Raysal wasaare ee Somaliland iyo Soomaaliya oo kala ahaa Maxamed Ibrahim Cigaal iyo C/laahi Ciise inay soo gudbiyaan qoraal ay isku casilayaan si loo magacaabo Raysal Wasaare cusub oo ay yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa ka biyo-diiday qoraalka bilaa shuruuda ah ,balse markii culays fara badan la saaray ayuu aqbalay inuu qoro warqadii Is-casilaada .ka dib waxa fadhiistay Baarlamaankii labada dhinac oo kala ahaa 33 Xubnood oo Somaliland ah iyo 90 Xubnood oo ka socday Soomaaliya.
Markii codka la qaaday waxay Madaxweyne u dooorteen Aadan Cabdulle Cismaan(Aadan Cadde) .ka dibna M/weyne Aadan Cadde wuxuu Raysal wasaare u magacaabay C/rashiid Cali sharmaake oo labaduba ahaa reer Soomaaliya.
• Saamigii ay reer Somaliland ka heleen dawladdii Aadan Cadde ee lasoo dhisay kana koobnayd labada Baarlamaan :-
* Jaamac  C/laahi Qaalib ...............Gudoomiyaha  Baarlamaanka 
* Cabdi Xasan Buuni ............................Raysal-wasaare ku xigeen
* Maxamed Ibraahim Cigaal.................Wasiirka Difaaca 
* Cali Garaad Jaamac .............Wasiirka Waxbarashada 
* Axmed X Ducaale ...........Wasiirka Beeraha 
* Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil.............Taliyaha Ciidanka Asluubta.
Markii lagu dhawaaqay xubnaha dawladdu ka kooban tahay waxa markiiba saluug weyn iyo guux  ka muujiyey reer Somaliland oo ka biyo diidey inaan si siman wax loo qaybsan balse reer Soomaaliya wada qaateen xubnihii ugu muhiimsanaa dawladda.waxaanay ku calaacaleen " Anagaa bilaa shuruud ku raacnay ,ee waa Abaalkayo".
• Aftidii Distoorka ee Juun 1961 kii 
Bishii Juun ee Sannadkii 1961-kii waxa dadka Soomaaliyeed loo soo bandhigay distoor dalka lagu maamulo si loogu codeeyo waxaana lagu codaynayay HAA ama MAYA ,ururadii Siyaasadda iyo aqoonyahanadii reer Somaliland waxay shacabka ugu baaqayeen in lagu codeeyo MAYA dadkii reer Somaliland waxay raaceen baaqii .Tirada dadweynaha Somaliland ka codaysay ayaa lagu qiyaasay  Boqol kun oo qof (100,000) .
Waxaana la xaqiijiyey in inkabadan 75% ay ucodeeyeen MAYA dawladdii wakhtigaasi doonaysay in la ansixiyo distoorka ayaa ku shubatay codadkii waxaana ay ku dhawaaqday in lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah 99% ka dib Baarlamaankii ayaa dib u doortay Aadan Cadde inuu noqdo Madaxweyne halka uu isna mar kale uu Raysal wasaare u magacaabay C/rashiid Cali Sharmaake .
• Saamigii labaad ee reer Somaliland ka heleen dawladii  labaad ee lasoo dhisay waxa uu noqday afar wasiir ,halka jagadii Raysal wasaare ku-xigeenkuna laga saaray.
*Maxamed Ibraahim Cigaal .................Wasiirka Waxbarashada 
* Sh Cali Ismaaciil Yacquub ...........Wasiirka Difaaca 
* Cali Garaad Jaamac .........Wasiirka Hawlaha guud 
* Axmed X Ducaale ............Wasiirka Beeraha
Ku dhawaaqista dawladdan ayaa mar kale god madow kusii riday rajadii reer Somaliland ay ku doonayeen in si is-leeg wax loo qaybsado ,in wax loo kordhiyo iska daaye saluugii ayaa lagu sii kordhiyey oo jagadii Raysal wasaare ku-xigeenka ayaa laga jaray.
• Inqilaabkii Saraakiisha Somaliland ku kaceen 1961-kii ee Fashilmay.
Kadib aftidii distooorka waxa soo baxay dareen cusub oo dadkii reer Somaliland ku diidanaayeen midowga iyo weliba sida ay wax usocdaan ,xilligaasi oo aanay isla jaanqaadin labadii dawladood ee midoobay iyadoo dhinaca Somaliland lagaga dhaqmayay nidaamkii Ingiriiska halka Soomaaliyana lagag dhaqmayay nidaamkii gumaystihii Talyaaniga .
Si kastaba ha ahaatee waxa khayraadkii iyo adeegyadii dawladdnimo ku koobmeen magaalada muqdisho sida waxbarashada,ganacsiga ,halka laga qaato shaqooyinka cusub iyo weliba hawlaha socdaalka dibada halka xarumihii dawladda ee Somaliland ku yaalay ay noqdeen goobo haawanaya oo goraygu  ka haaday . Taasina waxay shacabkii reer Somaliland uga cadaatay inay ku khasaareen oo ay belo ka qaadeen midowgii ay la galeen Soomaaliya iyadoo ay arrimahaasi dabada kasii riixeen dareenkii Siyaasadeed ee kasoo hor jeeday maamulka muqdisho iyo weliba kala duwanaashaha labada maamul ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintaasi oo saamayn weyn ku yeelatay dhanka ciidamada qalabka sida ,marka loo eego laamaha kala duwan ee dawladda ee rayidka ah derajooyinka  xilalka waxa ciidamada u dheeraa derajooyin la gashado oo Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeenadu qaataan .maamuladii Ingiriiska iyo Talyaanigu laba nidaam oo kala duwan ayay u kala bixin jireen derajooyinka la gashado  xilligii xornimada  ka hor.
* Dhanka Somaliland waxa derajooyinka  Saraakiil-xigeenada la siin jirey qaar kamida askartii ciidanka ,iyadoo lagu xulanayo shuurudo ku xidhan muddada uu askarigu shaqaynayay & kartidiisa hase yeeshee  waxa Saraakiisha lagu qaadan jirey ardayda dugsiyada sare dhammaystay iyadoo lagu kala reebayo imtixaanno,kuwa ku guulaysta imtixaanka ayaa la qori jiey Layli-Sarkaal  oo lagu soo tobabari jirey kulliyaddo Millateri oo ku yaala dalka Ingiriiska ugu yaraan laba sanno ayay soo qaadan jireen Tobabarkaas millateri waxaanay soo qaadan jireen darajada Sarkaal ee uu ugu hooseeyo Xiddigle .Darejooyinka danbe ee dalacaaduna waxay ku xidhnaayeen sanaddaha uu sarkaalku shaqeeyo  iyo kardiisa shaqo taasoo sababatay in markii Xorrnimada la qaatay ay saraakiisha Somaliland ahaayeen Xiddigle & laba Xiddigle .
* Dhanka kale Soomaaliya waxa maamulkii Talyaanigu askartii bileyska ahayd kasoo dhex xulay kuwa af-Talyaaniga bartay muddadii ay askarta ahaayeen ee aan dugsiyo toos ah gelin ,kadibna waxa tobabar lix bilood ah loogu direy dalka Talyaaniga ,marka ay soo dhammaystaan tobabarkaa gaabana waxa la siin jirey darajooyin saraakiil boolis,waxaana taas xigtay in sannadihii ugu dambeeyey ee xorrnimada ka hor la siiyey darejooyin deg deg ah,iyadoon loo eegayn aqoonta iyo muddada ay shaqaynayeen.
Bishii April sannadkii 1960-kii ayaa Soomaaliya laga sameeyey ciidankii millateri ee ay abid yeeshaan ,iyadoo laga soo xuley saraakiishii booliska qaarkood oo loo soo wareejiyey millateriga la yagleelayo iyadoo lagu taxay darajooyin sar sare oo aanay lahayn aqoontoodii millateri.
Ciidamada Somaliland iyo Soomaaliya layskuma dhex darin ,sannadihii ugu horeeyey ee xornimada ee dhinac waliba wuxuu isku maamulayay habkii ingiriiska iyo Talyaaniga iyagoo kala watay derajooyin kuna qalabaysnaa hub kala duwan.
Sannadkii 1961-kii ayaa Somaliland loosoo bedelay Saraakiil Soomaaliya ka timid oo sita darejooyin gaashaanle sare ah oo anay aqoontoodii lahayn si ay madax uga noqdaan ciidamada millateriga ee Somaliland joogay ,iyadoo xilligaas ay Somaliland lahayd ilaa dhawr iyo labaatan sarkaal oo kulliyadaha millateriga kasoo baxay kuwaasoo ciidamada Somaliland xukumayay marka laga reebo dhawr sarkaal oo bedelay xarunta dhexe ee ciidamada muqdisho saraakiisha Somaliland waxay arkeen saraakiil aad uga derajo sareeya oo laga soo bedelay Soomaaliya horena looga soo bedelay booliska lahayna aqoon millateri iyo mid sarkaalnimo midna.
Waxaanay u atkayeen Saraakiil garabsaar ah oo aan hore dugsiyada caadiga ah uga soo qallin-jebin ,soona marin nidaamkii saxda ahaa ee ay ahayd inay saraakiishu soo maraan. Waana arrin ka jirta saraakiisha dhexdeeda kala qaybsanaanta labada nooc ee saraakiisha oo lagu kala tilmaamo Akademi iyo garabsaar.
Saraakiisha Akademiga ahi waa kuwa yaraantoodii soo maray dugsiyada caadiga ah soona qaatay shahaadada dugsiga sare ama mid udhiganta kadibna ku biirey ciidamada iyagoo maray layli Sarkaal oo soo dhamaystay ugu yaraan tobabar laba sanno ah.
Saraakiisha garabsaarka ahina waa kuwa aan yaraantoodii soo marin dugsiyada caadiga ah ee toos u noqday askar una dalacay saraakiil-xigeen kadibna loo dalacsiiyey saraakiil. Waana mid ka jirtay in saraakiisha Akademiga ahi ay yasaan saraakiisha garabsaarka ah ee askarnimada kasoo bilaabay shaqada,iyadoo ay u arkaan inay aqoonta saraakiisha garabsaarku liidato maadaama aanay waxba soo baran.
Saraakiisha Somaliland oo isku arkayey Saraakiil Akademi,darjedooduna ahayd laba xiddiglayaal iyo xiddiglayaal waxa ku adkaaday inay ka hoos shaqeeyaan Saraakiil garabsaar ah oo ka aqoon liita hase ahaatee sita darjeyooyin aad uga sareeya kuwooga oo aanay lahayn aqoontoodii lagana soo bedelay Soomaaliya iyagoo u'arkayay arrintan in midnimadu u keentay hoos u dhacaas.
Sidoo kale sarakiishaas yaryar kamay qarsoonayn dareenka shaqqlihii  laamaha kala duwan ee Somaliland ee uu go'doonku haleelay ,taasoo suurto gal ahayd in aftidii distoorka ee ay ka muuqatay in dadka Somaliland ku dhaqaaqaan tallaabo ay Somaliland ugu Soo celinayaan madaxbanaannidoodii  iyagoo filayay inay taageero weyn ka heli doonaan dad weynaha Somaliland ,hadii inqilaabku suurtogal uu noqdo ama hagaago.
• Muddo lix billood ah kadib aftidii distoorka oo ahayd bishii December 1961-kii ayay saraakiishii yaryarayd ee Somaliland ku dhaqaaqeen hawl gal millateri iyadoo ay la waregeen maamulkii magaalooyinka Hargeysa, Burco , Boorama iyo Berbera ,iyagoo guri ku yaala xaafada shacabka ee Hargeysa ku xidhay Saraakiishii garabsaarka ahayd ee laga soo bedelay Soomaaliya  balse waxa seegtay inay saraakiil xigeenada iyo dadweynihii ku noolaa Somaliland u sheegaan hawl galkooda iyadoo saraakiil-xigeenadii ogaadeen in Saraakiil muqdisho laga soo bedelay ay ku xidhan yihiin guri ku dhaw miiska saraakiisha millateriga ,halkaasoo ay saraakiil-xigeennadiina ku dhaqaaqeen hawl gal kasoo hor jeeda ,dagaal aan xooganayn ayaa labada kooxood dhex maray halkaas oo uu ku dhintay hal sarkaal ,laguna qabqatay 18 Sarkaal oo laba Xiddigle iyo Xiddigle ah.
Waxa xusid mudan qaabkii ay u dhacday maxkamadii la saaray saraakiishaas oo ka dhacday magaalada muqdisho ,waxa 18 kii sarkaal ee xidhnaa la hor keenay maxkamada iyadoo lagu soo eedeeyay inqilaab millateri oo ay Somaliland iyo Soomaaliya ku kala goynayeen ,maxkamada waxa ka garsoorayay garsoore Hazelwood oo ahaa Ingiriis ,xeer-ilaaliyaha dawlada ee dambiga kusoo oogayey saraakiisha wuxuu ahaa Talyaani,qareenka saraakiisha difaacayayna waxa uu ahaa Hindi 
Iyadoon halkan lagu soo ururin karin doodihii kululaa ee halkaa laysku weydaarsaday hadana waxa laga maar maan ah inaynu taabano gebagabadii iyo go'aankii maxkamadda .Waxa maxkamada ka hor cadaatay in laba sharci lagu kala xukumo Somaliland iyo Soomaaliya sidaa darteedna saraakiisha lagu xukumo sharciga ka shaqeeya Somaliland oo ah halkii falku ka dhacay waxa kale oo iyadna cadaatay oo garsooruhu qiray inaanu jirin Axdi iyo sharci labada dal kala sexeexdeen oo lagu midoobay ,dalkana lagu mideeyey sidaa darteedna aanu jirin dambi ay galeen oo ah dal la kala goynayo mar hadaanu jirin sharci mideeyey labada dal . Waxay maxakamadu amartay in lasii daayo saraakiishaasi oo aanay galin wax danbi ah.
Magacyada saraakiisha iyo weliba gobolada iyo deegaanada ay kasoo kala heedeena waa kuwan.
1. Xasan C/laahi walanwal (Xasan Kayd) .........Waxa uu kasoo jeeday gobolka Togdheer waxaanu ahaa laba xiddigle 
2. C/laahi Aadan Koongo waxa uu kasoo jeeday Hargeysa waxaanu ahaa laba xiddigle.
3.Muxumed C/laahi Rooble (Muxumed Awr) waxa uu kasoo jeeday gobolka Saaxil waxaanu ahaa laba xiddigle.
4.C/laahi Siciid Caabi waxa uu kasoo jeeday Hargeysa waxaanu ahaa Xiddigle waxaanu ahaa sarkaalkii ku shahiiday inqilaabkaasi dhicisoobay 9 December Sannadkii 1961-kii waxaana diley askartii fashilisay inqilaabkaasi .
5.Maxamed C/raxmaan Xaaji Jaamac(Lugooyo) waxa uu kasoo jeeday degmada Sheekh waxaanu ahaa Xiddigle
6.Cawil Xaaji Cali Ducaale oo kasoo jeeday Hargeysa waxaanu ahaa Xiddigle.
7.Maxamed Maxamuud Bidixle waxa uu kasoo jeeday Hargeysa waxaanu ahaa Xiddigle.
8.Faysal Xaaji jaamac oo Burco kasoo jeeday 
9. Daa'uud Cali Yaxye waxa uu ahaa nin caraba oo reer Boorama ah .
10. Siciid Cali Giir oo Kasoo Jeeda Laascaanood .
11.C/laahi Cabdi Faarax(Deyr) oo Reer Hargeysa ah 
12.Xuseen Maxamed Bulaale oo Reer Baerbera ahaa.
13.Maxamed Maxamuud Raage waxa uu ahaa Reer Berbera 
14. Yuusuf Axmed Kibaar waxa uu isna ahaa nin reer Gabiley ah 
15. Maxamed Warsame waxa uu ahaa nin reer Boorama ah 
16. Cabdi Yuusuf waxa uu ahaa nin Reer Hargeysa ah 
17.Maxamuud Sh Muuse waxa uu kasoo jeeday Sheekh 
18. Axmed Xaaji Diiriye waxa uu ahaa Reer Burco 
19. Cali Haaruun waxa uu ahaa reer Burco.
20. Siciid Oogle waxa uu ahaa reer Burco 
21.Cabdi dhale Cabdi waxa uu ahaa nin Reer Laascaanood ah.
22.Cabdikariim Cashuur waxa kasoo jeeday Laasqorey 
23. Cabdi Cali Xuseen(Cabdi Xabashi ) waxa uu isna ahaa nin reer Jigjiga ah .
Taasina waxay ku tusaysaa in aan dhulka Somaliland cidi ka maqnayn daraf ilaa daraf xitaa ay carabi ku jirtey halyeeyadaa isku dayay inay madaxbanaannida Somaliland lasoo noqdaan ilaahay haw naxariisto intoodii badnayd way geeriyootee inta noolna ilaahay nolol waarta ayaanu uga baryaynaa .
Halgankii lasoo noqoshada badaxbanaannida iyo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo taxnaa tan iyo 1960-kii markii ay Saraakiishaasi isku dayeen inqilaabka maalinba marcalad uu taagnaaba ,balse waxa uu sii xoogaystay markii shacabka Somaliland u adkaysan waayeen dulmigii iyo gumaadkii taliskii bahalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo aan halkan lagu soo koobi karin waxa 6 April 1981-kii magaalada London ee cariga dalkaasi UK lagag dhawaaqay jabahadii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM oo iyaduna Halgan hubaysan oo naf iyo maal badani ku baxay 10 sanno kadib dalka ka xoraysay nidaamkii daaquudka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre .


• Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka JSL oo ka dhacay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer  isla markaana ay u dhamaayeen dhammaan madax dhaqameedka Beelaha ku dhaqan Somaliland min daraf ilaa daraf ayay ku go'aamiyeen in Jamhuuriyada Somaliland gooni isku taagto isla markaana ay noqoto Qaran ka madax-banaan dalkii laysku odhan jirey Jamhuuriyadii Soomaaliya sidaana lagu soo celiyey madaxbanaanidii Somaliland ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska 26-kii Juun sannadkii  1960-kii.
Liiska Odayaashii & madax dhaqameedkii qallinka ku duugay gooni isu-taaga Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland 
1. Sh Ibraahim Sh Yuusuf Sh Mader ......Gudoomiye 
2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax 
3. Suldaan Cabdi Sh maxamed 
4. Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir
5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi 
6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye 
7. Suldaan Ismaaciil Muuse 
8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali 
9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cali 
10.. Axmed Sheekh Saalax 
11. Sheekh Daahir Xaaji Aadan 
12. Axmed Yuusuf Cawl 
13. Suldaan Maxamed Jaamac 
14. Xasan Cumer Samatar 
15. Maxamed Warsame Shiil 
16. Garaad C/qani Garaad Jaamac 
17. Suldaan Cali Muuse 
                 .....iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha shirkaasi lagu sexeexay Gooni isutaaga Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.
Taasina waxay mar kale ku tusaysaa inay u dhammaayeen dhammaanba beelaha wada degan Somaliland cidhif ilaa cidhif .
Daliilna uma baahna inay Somaliland ku hungowday midowgii 1960-kii ay la gashay Soomaaliya oo ay ku khasaartay 30-sanno waxa kale oo iyadna aan daliil u baahnayn in Somaliland ku badhaadhay Gooni isutaaga 30 sanno oo ay iyadu iskeed isku maamulaysay kuna talaabsatay isku filaansho ,dawladnimo taaba gal ah ah ,ciidan qaran ,lacag u gaara ,calan ugaara iyo weliba horumarka dhanka dimuqraadiyada oo ay cashar u tahay geeska africa iyo weliba dalalka kale ee aduunka ee weli kaligood taliyayaashu ka taliyaan .
W/Q :C/risaaq Abshir 
Crisaaqabshir81@gmail.com
Tixraac: Majadhooyinkii SNM (Cali Coomay) & baadhitaano kale oo qoto dheer oo taariikheed .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured