![]() Eng. Maxamed Qarbooshe oo si Weyn ugu mahad-celiyey Taageerayashisii Kala Duwana Iyo Qoraal Xambaarsan Bisay-Siyaasadeed oo u Soo Saaray..
"Waxaan halkan uga mahad naqayaa dadkii I taageeray , ila shaqeeyay, ii codeeyay, iyo kuwii aan seexan habeen iyo maalinba iyo kuwii aduunkooda iyo hantigooda ii huray anigoo aan waydiisan"
Hargeysa(Xogreebnews)- "Hambalyo iyo bogaadin: Anigoo ah maxamed cabdilaahi cabdi qarbooshe ahaana musharaxii golaha deegaanka degmada berbera, waxaan halkan uga mahad naqayaa dadkii I taageeray , ila shaqeeyay, ii codeeyay, iyo kuwii aan seexan habeen iyo maalinba iyo kuwii aduunkooda iyo hantigooda ii huray anigoo aan waydiisan, dhamaantiina waxaan ilaahay idiinka rajaynayaa caafimaad, cibaado taama, iyo cimri wanaagsan, intaa waxaan raacinayaa in hadhitaanka aan hadhay aanay ahayn inaan guul darraystay laakiin waan guulaystay , idinkuna waa guulaysateen maadaama aad hawshiini ka soo Baxdeen meesha khayrka ii lehna ilaahay ayaa og.
Siyaasaduna waa dur iyo daabac , waa qadhaadh iyo macaan qofka aan qadhaadhka qaadani macaanka ma helo
Thank you very much all brothers and sisters
Maxamed cabdilaahi Cabdi Qarbooshe
Wa bilaahi Tawfiq Leave a comment |
|
Eng. Maxamed Qarbooshe oo si Weyn ugu mahad-celiyey Taageerayashisii Kala Duwana Iyo Qoraal Xambaarsan Bisay-Siyaasadeed oo u Soo Saaray..
"Waxaan halkan uga mahad naqayaa dadkii I taageeray , ila shaqeeyay, ii codeeyay, iyo kuwii aan seexan habeen iyo maalinba iyo kuwii aduunkooda iyo hantigooda ii huray anigoo aan waydiisan"