Doorashadan 2021 Ma laga yaabaa Hargeysa iney hesho Erdogankeedii? Sidey Istanbul u heshay Erdogaankeedi 1994"?. Sheekh Maxamed Cabdi Idiris oo Kamid ah Culimada Somaliyeed.

0
Tuesday June 08, 2021 - 00:33:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadan 2021 Ma laga yaabaa Hargeysa iney hesho Erdogankeedii? Sidey Istanbul u heshay Erdogaankeedi 1994"?. Sheekh Maxamed Cabdi Idiris oo Kamid ah Culimada Somaliyeed.

    Doorashadan 2021 Ma laga yaabaa Hargeysa iney hesho Erdogankeedii? Sidey Istanbul u heshay Erdogaankeedi 1994"?. Sheekh Maxamed Cabdi Idiris oo Kamid ah Culimada Somaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadan 2021 Ma laga yaabaa Hargeysa iney hesho Erdogankeedii? Sidey Istanbul u heshay Erdogaankeedi 1994"?. Sheekh Maxamed Cabdi Idiris oo Kamid ah Culimada Somaliyeed.
Hargeysa(Xogreebnews)- Sheekh Maxamed Cabdi Idiris, oo kamid ah Culimada Somaliyeed, ayaa sheegay in Caasimada Somaliland ee Hargeysa la tartami doonto, isla markaana mudo gaaban ku dhaafi doonto Caasimadaha Geeska Africa, hadii ay hesho Maayir Wanaagsan. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan.

"Erdogankii Hargeisa 2021 ma filan karnaa?.
Doorashadan 2021 ma laga yaabaa Hargeisa iney hesho Erdogankeedii? Sidey Istanbul u heshay Erdogaankeedi 1994? 
1994 ka hor Istanbuul adeegyada oo dhan ciriiri ayey ahaayeen, biyaha, korontada, bilicda, cisbitaallada, gaadiidka dadweynaha, gaaska, iwm. Deynna 3 bilyan $ waa lagu lahaa. 1994 ayaa Erdogan loo doortay duqa magaalada. 2 sano ayuu magaalada dhan ku beddeley, deyntiina bixiyey. Lacag dibadda ugama keenin ee hantideedii ayuu si fiican ugu maamulay, musuqiina waa la diriray. Ka dibna Ra’iisulwasaare iyo Madaxweyne ayey dadka turkidu u doorteen. Cid waliba adduunkan wexey doorato ayey heshaa.
Waxaan hubaa Hargeysa haddey hesho duqa magaalada u qalma, ee aragtida iyo hammiga dadkeeda xambaarsan, iney isku filantahay, oo muddo yar caasimadaha adduunka qaar badan dhaafi doonto. Biya la’an ama laydh la’an ama wadda la’aan laga caban doonin, danyartana guryo astura loo dhisi doono, cisbitaallo qalabaysan oo geeska afrika laga soo aadana yeelan doonto. 
Aan ku ducaynno"




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured