![]() Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo ka Fallooday Qiimihii Wanaagsanaa ay Lahayd Doorashooyinka isku Sidkanaa iyo Dhacdooyin Cajiib ah oo lama ilaawana ah...
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo ka Fallooday Qiimihii Wanaagsanaa ay Lahayd Doorashooyinka isku Sidkanaa iyo Dhacdooyin Cajiib ah oo lama ilaawana ah...
Hargeysa(Xogreebnews)-"Dhacdo Kasta oo Aduumkan korkiisa ka dhacda waxay Xambaarsan Casharo iyo duruuso laga barto' Doorashadii isku sidlanayd ee aynu Galnay Maxay ka baran karnaa ee ku Duugan iyadoo ahayd doorasho Fariimo badan diraysay waxaan halkan ku soo qaadanayaa arrin aniga aad ii soo jiidaytay oo aan rabo inaan halkan ku iftiimiyo isna kor taago.
Sidaynu ognahay Nidaamka Xisbiyada oo maqsadkii ugu waynaa ee aynu u unkanay ahaa inaynu kaga baxno qabyaalad oo bulshadeena aad ugu badanayd ayaa waxaynu kaga baxno daaye waxaa muuqanaysay Inaynu jidkii qabiiliga ahaa ee ugu foosha xumaa aynu Cagta Saaray ilaa waqtigaa xisbiyada la unkay ilaa iyo doorashadii Madaxtooyada ee inoogu dambaysay miqiyaaskeena ay wax inoogu Soo baxayeen wuxuu ahaa reer hebel waxaasuu soo saaraye hadaynu reer hebel nahay aan hebel soo saarno.
Kolkay Sidaa tahay Doorashadani waxay xaqiijisay inuu soo oodmay wadadaas qabyaaladaysnay ee aynu wax kusoo dooranaynay bulshada Somaliland waxay muujisay inay khadyaan iska soo taagtay nidaamkaas dibu dhaca ah , waxaa tusaale kuugu ah labada nin ee ugu Codka badan xildhibaanadii la doortay waa Ckarriin iyo barkhad labadaas nin codkoodu wuxuu ka badan yahay Gobolo dhan codkood, waxaa kale oo iyana tusaale kale ah sida ay xisbiyada gobolada dalka codadka u kala heleen' macneheedu maaha xisbiyo kala qabsaday Magaalooyin ee waa bulshadii oo ka baxday qoqobkii iyo Soohdimihii qabaliga ahaa.
Waxaan hambayeynayaa bulshooyinka qaatay baraaruga ee gobolada dalka ku dhaqan waxaanan leeyahay gobolada weli ku habsaansan jidkaa qodoxda badanaa iyo siyaasiyiintoodaba ( haddii aynu nahay reer hebel hebel inoo soo saar) bulshadeenu way ka gudtay ha habsaamina. Tani waxay tidhi Giib Noom Taani. Wa bilaahi tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule. Leave a comment |
|
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo ka Fallooday Qiimihii Wanaagsanaa ay Lahayd Doorashooyinka isku Sidkanaa iyo Dhacdooyin Cajiib ah oo lama ilaawana ah...
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo ka Fallooday Qiimihii Wanaagsanaa ay Lahayd Doorashooyinka isku Sidkanaa iyo Dhacdooyin Cajiib ah oo lama ilaawana ah...